Yaa qaban kara Jagadaa Wasiirka 1aad

By:

      Qorre-By:- Abdihakim Jama Joje Social Development Adviser
          saicentadv@yahoo.com  Leicester UK 07/07/2009
Ra'yiga Dadweynaha
  07Mach09

Deg Degga faraha baddan waa Camal Sheydaan

 

Marka hore mahad idilkeed waxaa iska leh Allaah, naxariis iyo nabadgelyana Rasuulkeenii ayeey korkiisa ahaatay. Intaas kadibna dhammaan akhristayaasha faraha baddan iga gudooma salaanta islaamka (A.C.W.W).

 

Sideedaba ban’aadanku meel uu joogaba waxaa ku beeran waxa loogu yeero deg deg, oo uu doonayo in wax walba uu markiiba helo, ama arko. Sida meelo baddan ay diintu uga hadashay waxa deg degaa waa camal Sheydaan, oo kheyrka mar walba wuu soo dhutiyaa. Gaaladu waxa ay leeyihiin halhees cajiib ah, oo ay ku hal qabsanayaan magaalada Roma, taasoo runtii aan waxba dheereyn magaalooyinka kale , laakiin hadalka leyskaga qabsaday waa

( Roma was not built in a day) oo micnaheedu yahay magaalada Roma laguma dhisin maalin qura. Sunanka rabaaniyanka ah markaad eegto Cunuga yar markuu dhasho inta marxaladood uu marayo. Taas waxey daliil noogu noqonaysaa in wax walboo la bilaabo ay u baahan yihiin in waqti la siiyo, oo ay ku hano qaadaan.

 

Annaga Soomaali hadeynu nahay kuma jirno ummadda kale, oo wax walba waxeynu jecelnahay in aynu ka hor degno, oo ma siisno fursad, taasoo marar baddan keenta in arimihii lagu heshiiyay ama maamulkii la sameystay inuu fashil ku dhawaado. Waxeynu tusaale u soo qaadan karnaa dowladdan hadda uu garwadeenka ka yahay Shiikh Shariif iyo kuwii kaloo ka horeeyayba waxaa mar walba lagula kacayey in wax walba  ay damcaan in ay ku dhaqaaqaan laga hor degayey, oo loo diiday in fursad la siiyo. Waxaa cajiib ah Goorma ayaad ka filysaa  in maamulka Shiikh Shariif shaqeeyo iyadoo ay dowladdiisu jirto wax ka yar bil. Xaqiiqdii waxaan qabaa in laga gardaran yahay, oo ay u baahan yihiin in waqti la siiyo.

 

Waxaa taas la mid ah dadka had iyo jeer wax ka qora arimaha Puntland, oo qaarkood ay meel ugu sii qoran tahay qiimeynta dowladdan, oo shar iyo kheyr waxey la timaadaba aanan waqti la siineyn oo mar walba la leeyahay dowladdu waa noocan iyo noocan. Waxaa cajiib ah, sidee ayuu wax ku qiimeyn karaa qof aanan marka horeba aqoon u laheyn waxa uu ka hadlayo. Tusaale ahaan marka la rabo in la qiimeeyo Bridge ama Buundo qaab dhismeedkeeda, waxaa qiimeyn kar kaliya shirkaddii soo dhistay ama qof kaloo aqoon u leh, oo wax ka yaqaana dhismaha, waayo qofkaas wuxuu sheegi karaa hadba qaabka ay ku wanaagsanaan laheyd, waxa ka qaldan iyo waliba tayada Shirkadda waxaan soo dhistay. Sidaas si la mid ah waxaa ah wax walboo la qiimeynayo in uu qiimeeyaa qof aqoonteeda leh. Haddii aad luqadda ingiriiska aadan aqoon qof walboo afka kala furtaa oo ku hadlayaa ingiriiska wuxuu adiga kaagala dhigan yahay qof luqadii dhameeyay. Laakiin qofka luqadda si fiican u yaqaanaa, markiiba wuu fahmi karaa qof kaloo ku hadlayaa luqadda, heerka ay u joogto. Haddaba waa sidaas oo kale Dowlad iyo Maamul waxaa qiimeyn karaa qof horey uga soo shaqeeyay maamul ama aqoon u leh, oo wuu fahmi karaa mar walba tallaabada la qaadayo. Dowladduhu mar walba waxey ku xisaabtamaan waxa la yiraahdo Qorshayaasha dhaw iyo kuwa fog, oo adiga haddaadan fahmi kareyn wey kugu adkaaneysaa inaad la jaan qaado.

 

Marka haddeynu Soomaali nahay in annagoo idl aynu mar walba goobaha leysugu yimaado ama fadhi ku dirirada aynu kaga hadalno arimaha maamulka dowladaha runtii waa wax khaldan oo u baahan in laga waantoobo. Sidoo kale in aad qofka iska sii xukunto oo aad tiraahdo waa ceynkaas adigoon isaga horey ula shaqeyn ama aadan garaneyn shaqsiyan, kaliya aad ku qiimeyso waa reer hebel, iyaduna waxey la mid tahay arimaha u baahan in leyska saxo.

 

Reer hebel ama qolo fulaan marna ma noqon karto misaan. Immisaa reer hebel ah oo nin karameed ah, mu’miniin ah, aqoon yahan ah, caalimiin ah, wax garad ah, akhyaar ah, garyaqaano ah. Sidaas si la mid ah immisaa isla reerkaas laga helayaa doqon, wax ma garte, tuug, faasiq, afmiishaar, munaafaq, i.w.m.  waa sidaas reer walboo aad aragto, oo ma jirto reer loo siiyaya hibo wanaaga oo qura, iyo reer iyagana hibo loo siiyay xumaanta.

 

Adduunkan waxaad arkeysaa labo wada dhalatay oo midna Mu’min yahay midka kalena Munaafaq yahay. Sidaas si la mid ah labo wada dhalatay oo midna Mutacalim yahay midka kalena jaahil yahay. Mar walba ogow aakhiro waxaa jira janno iyo naar, waa labad guri ee dhabta ah waxaana kala galaya labo isqabta, labo is dhashay, labo wada dhalatay.  Marna ma dhaceyso in reer qura ay jannada wada galaan, reer kalena ay naarta wada galaan. Haddaba adigoo sidaas ula socdaa sidee ayaad qof ugu qiimeynaysaa waa reer hebel ama dadkaas ayuu kasoo jeedaa.

 

Waxaan hadalkeyga ku soo gabagabeynayaa Soomaaliyeey meel walboo aad joogtaan, cadaalada hala ilaaliyo oo qof walba iyo shaqsi walba waxaad miisaanka ku saartaa isaga ficilka uu sameeyo Sidoo kale maamulada jiraa haloo kaadiyo oo waqti hala siiyo, wax walboo wanaag ah ay sameeyaana hala taageero, wixii xumaan iyo khalad ka dhacaana bal marka hore halooga naxteexeeyo.

 

Wabilaahi Towfiiq

Qalinkii Cabdixakiim Jaamac Jooje

 

 

 

 

 
Welcome to Calayaale Page
Sign  kuqor wixii Ra'yigaaga ah
Name
E-mail address
Homepage URL
Comments
 

Read Akhriso
Xafiiska wararka caalamka iyo  soomaliya Calayaale Media Center
calayaal@yahoo.de Webmaster@calayaale.com kalasoo xiriir.

 

_________________________________________________________