Mahad idilkeed waxaa iska leh Allaah, naxariis iyo nabadgelyana Rasuulkeenii ayeey korkiisa ahaatay, kadibna akhristayaasha sharafta iyo qiimaha iska lahow iga gudooma salaanta islaamka
( A.C.W.W).
Waxaad moodaan in waayahan danbe ay dadku baddankoodu xoogga saarayaan sidii ay u ogaan lahaayeen cidda noqon doonta ama loo magacaabi doono Wasiirka 1aad ama Ra’iisal Wasaare. Haddaba waxaa yaab leh in qolo walba ama shaqsi walba uu ku dhufanayo hadba halka uu isagu la rabo ama jecel yahay, isagoo ku saleynaya arimo baddan midkood oo kala ah { qabiil, nin jecleysi, dan gaar ah ama reer necbaysi }. Ma arkeyso qof ku saleynaya maxaa waddanka u dan ah, ama isweydiinaya qofka la dooranaya muxuu nagu soo kordhin karaa.
Waxaa dhici karta in ay dad baddan iga filayaan inaan farta ku fiiqo shaqsiyaad ama aan oranayo hebel. Runtii suurto gal maaha in uu qof yiraahdo waxaan hubaa in qof hebel uu jagadaas u qalmo. Xaqiiqdii qof walboo aad madaxa ku heyso ogow inay dhici karto inay jiri karaan kuwo ka kheyr baddan, kana cilmi baddan. Waa suurto gal qof sida Madaxweynaha ah, oo markaas inta uu la kulmo ku sameeya baaritaan qoto dheer, oo marka ugu danbeysa ku dhufta meel uun. Waxaan hubaa hadduu qofka wax magacaabayaa uu Allaah talada saarto, oo ay isagu daacad ka tahay inuu magacaabo Shaqsiga jagadan u qaban kara Soomaali, in uu heli karo.
Runtii nasiib darada jirtaa ayeey ka mid tahay in weli maanta ayan noo kala cadeyn waxa aynu rabno. Tolow hadafkeenu ma in aynu qof qancinaa, mise waa in aynu qabiil qancino. Qaabka ay wax ku socdaan markaad isha la raacdo waxaa kuu soo baxay weli xalka Soomaaliya in uusan dhaweyn.
Waxaa kaloo cajiib ah kuwo kaloo ku oranaya hebel wuxuu heystaa Ph D, oo isaga ayaa mudan. Ma oran karnaa qof walboo PhD heystaa ama aqoonyahan ah wuu ka bixi karaa jagadaas. Xaqiiqdii leyskuma diidana in ay aqoontu tahay furihii nolosha, oo la’aanteed aanay nolol suurto gal aheyn, laakiin aqoon aan la socon arimaha kala ah, Alla ka cabsi, daacadnimo, karti iyo Aragti dheeraan, waxaa hubaal ah in aanay meel gaariheyn. Immisaa ayeynu aragnay professors saaqidiin ah, immisaanu aragnay aqoonyahan aanan waxar gibinna lagu aamineen, saidoo kale immisaanu aragnay aqoonyahano Diinta ku jees jeesaya. Haddaba walaalka sharafta lahow aqoon aan la socon arimaha qaarkood runtii waa Hal bacaad lagu lisay.
Waddamadan horumaray marka ay qofka qiimeynayaan ama ay wax u dhiibanyaan waxaa la fiiriyaa shaqada loo diryaa, shaqadii ugu dhaweyd oo nooceeda oo kale ee uu soo qabtay, iyo sidii uu ahaa waxqabadkiisa ( performance and Achievements ). Mar walba waxaa lagu qiimeynayaa shalay ninkan muxuu soo ahaan jiray iyo tayadiisa shaqo intee ayeey gaarsiisan tahay. Halka anaga Soomaali aynu qiimeynayno waa ina hebel ama isku reer baynu nahay ama kaliya jaamacaduu kasoo baxay oo aan maalin qura lagu shaqeyn, ama la arag isagoo wax horumar ah hadal haya.
Haddaba akhristow qormadeydaan waxaan kusoo afjarayaa Madaxweyne Shariifow qiimeyntaadu ha noqoto yaa soomaali wax u qaban kara oo kartideeda iyo aqoonteeda iska leh, ee yaanay noqon isku siyaasad ma nahay ama qancin koox hebel ama qabiil hebel. Way dhici kartaa innagoo ka duulayna waaqaca jira ee ah in lagu saleeyo nidaamkii qaldanaa ee 4.5, kaasoo aan oran karno xitaa haddii la raacayo, Beelaha aad ugu talagashay inaad kasoo xusho ruuxooda u bandhiga inaad ka heli kareto qof kulansan kara arimaha ah { aqoon, Alla kacabsi, daacadnimo, karti, Aragti Dheeraan ( Vision leh) , Jecel in uu dalkiisa horumariyo } adigoo dib u eegaya sumcaddii uu horey u lahaa iyo waxqabadkiisi hore. Marrna haku kadsoomin wuu magac dheeryahay iyo Qabiilkiisa ayuu ka gadmayaa .
Shariifoow Allaah talada wanaagsan haku waafajiyo, oo inshaa’allaah waxaynu kaa rajeynaynaa inaad soo magacowdo kii Soomaali isku keeni lahaa, kii dhabo cusub u furi lahaa ummaddan soo baab’aday, kii adduunka nala tartansiin lahaa. Kii loo aayo inshaa’allaah. Kii ay weligood ummadda wanaag doonka ah ku riyoon jireen in ay mar uun arki doonaan.

Qalinkii : - Cabdixakiim Jaamac Jooje
Social Development Adviser
Maqaalada Jooje waxaad ka daalacan kartaa www.iftiinshe.net