Muqdisho; Kala Bax Kitaabadaa Qabo & In Dullinimo Meel La Isaga Reebo

By:Email: Moallem10@hotmail.com   Cabdalla Macalim Maxamud (Cabdullahi siyaasi)

Ra'yi
10-September-2009

 

Muqdisho oo ku goodinayso in ay mar kale dib uga soo dhax ifi doonto geeska Afrika,taa ma suurta gal-baa ,yey ku tashanaysaa, ma wiilasheeda misa xoogag shisheeya, misa Rajo ayaa kaga jirto wiilasheeda gafuur duubtaa in ay wejiga faytaan, gacantana ku dhigaan waddanka oo dhan, keddibna ku dhawaaqaan dal iyo dad xor ah, caalamka kalana la socon karo,misa wadaad Shikh Aweys oo markuu hadlaba u hadla sidi nin uu Ilaahey cahdi kula soo galay guusha in ay isaga raaceyso ,dadkana sidaa ugu dul qaataan in uu Ak dhaxdooda kaga tuuro kuwa uu ku tilmaamo cadawgiisa.

 

Mugdiyaynta Muqdisho iyo guud ahaanba Soomaliya  waxay soo martay marxalada kala duwan.Muqdisho bulshada Caalamka waa ka jeesatay kolki ay mujaahidiinta USC oo bilaa qorsha ah ka soo galeen dhankeeda woqooyi ,Muqdisho looma koolkoolin sida loo koolkooliyay magalada madaxda dalka Xabashida Addis, haddaba hadda maxaa keenay in  caalamka oo dhan  yiraahdaan waxaan haddeer u hagar baxaynaa Dowlada Midnima Qaran, iyada oo aan ognahay in ay ka gaabiyeen garab-istaagooda kuwi iyaga ka horeeyay oo ay isla iyaga dowr weyn ku lahaaayeen soo dhisidooda.

 Su'aaladaha ma fara yara ,weydiintana waa furaha macrifada ,hadaba Soomaali iyada diyaar ma u tahay laba in ay mid ahaato "Talo Keen Ama Tala Raac",Somaali diyaar ma u tahay in dalkooda ay ka dhalato nabad waarta oo hoos timaado dowlad, raali ha ku ahaatee ama yeynan ku ahaanine ,Somali diyaar ma u tahay in ay ahaato dowlad caalamka intiisa kale ka go'an misa dowlad ka mid ah dowladaha aduunka oo wadaag kala dhaxeeyo caalamka intiisa kale.

  Jawaab ka bixinta su'aaladahan aan kor ku soo xusnay dhamaantood iyo kuwa kalaba,waxaan u daynaynaa aqristayaasha in ay iyaga in su'aal walba dhaxdeeda kala soo baxaan jawaabta saxa ah, marka laga reebo in aan qalinkayga ku hariiqo halka uu ku aadanyahay iftiinka garbuunka(torch) ku shidan dusha caasumada dalkeena Muqdisho.

 

  Indhaha Caalamka oo dhan waxay beryahan ku jeedaan waddankeena , ha ahaato Muqdisho , ha ahaato Hargayso , ha ahaato Kismaayo, ha ahaato Puntland , ha ahaatasa Burcad badeedka, dhinaca ay doonto ha ahaatee, Caalamkana waa inoo goodinyaa , Al-Shabaab waa noo goodinaysaa, wadaadka shikh aweys ee isaga ku eg kursi la siiyana waa noo goodinayaa,cid walba waxay u goodinaysaa anigaa mudan ,annagana waxaan indhaha u weecinaa hadba meesha ay ka soo yeerto caga-juglaynta.

 

  Somaliweyn, haddeer iyo dhab , xaqiiqada waxay tahay in DMQ  ay wax badan kaga duwan yihiin kuwi horay kor inoolaga keeni jiray ,weliba waxay si aad ah uga duwan yihiin kooxihi hore  dhowr waxyaabood oo ay ugu horeeyaan in ay diyaar u yihiin dhisida jaysh(Ciidan) hanan karo soo celinta amniga iyo kala danbaynti waddankeeena horay uga jiri jirtay, waxaa kale oo ay kooxihi hore kaga duwan yihiin, labadan nin ee u sareyso DMQ in iyaga yihiin dad af gaaban ,af-gaabidana ku darsaday kolka ay doonayaan in ay ummaddooda wax u sheegaan in ayanan dadka argagax ku abuurin, taasoo oo ay iyaga u dheertahay in uunan banaanka u soo bixin khilaafkooda fakir, haddiiba uu jiro khilaaf fakir ee iyaga ka dhaxeeyo.

   DMQ kooxaha ka soo horjeedo iyaga waxba kama duwano qabqablaayshi dagaalka marka laga reebo magacyada cusub oo ay saaxada la yimaadeen sida Xisbul-islaam ama Al-Shabaab ,waxa is-bedalay waa iyaga oo la soo baxay qabqablanimo diineed iyo dagaal, halka kuwi horay ku ekaayeen qabqable dagaal qabiil, kooxahan iyaga heshiis ma'ahan taana waxay kaga mid yihiin kuwi ka horeeyay ,qolaba xaafad in ay ka taliso ayey sheegataan ,taa iyadana waa mid ay kaga mid yihiin qabqablayaashi dagaalka. shacabka oo xabad laga dhax tuuro waa wax labaatan sano waddankeena ka jiray ,ma ahan wax cusub marka iyada laga reebo Shikh aweys oo cadeystay in uunan dagaal tegi Karin isaga oo aanan kaashanayn dhimashada dadka maatida ah oo uu isaga leeyahay waxaan u taaganahay xoreyntooda.

   Fiira gaar ah,Al shabaab iyaga waxay kooxihi hore oo dhan kaga duwan yihiin ninki fikirkooda ka hor yimaado waa gaal  iyo iyaga oo caddeystay in ay dhinacooda ka dagaalamayaan dad aan is-cadeyn Karin, dhuumalaysina ku joogo adduunka meesha ay ka diriraanba,intaa waxaa iyaga u dheer in dagaalkooda uunan ku jeedin difaacida danaha ummadda Soomaliyeed iyo calankooda buluglaha ah.Al Shabaab dagaalkooda waxay ku tilmaamaan mid caalami ah oo ay kaga soo horjeedaan dowladda gaar ah oo farta ugu fiiqan.

    Sidoo kale caalamkana maanta waa ka duwan yahay caalamki hore ee aanan dhag jalaq u siin jirin in ay mar  uun  garab-istaagaan Soomalida in ay dalkeeda dib ugu soo dhisaan dowlad mideyso danahooda ,dalkana dib ugu soo celiso kala danbaynti iyo nabadi horay uga jirtay inti aanan rejiimki Maxamed Siyaad allah ha u naxariistee xukunka laga tuurin.

  

  Waxaan Somaaliyeey hor iyo horaanba lama huraan ah maalmaha fooda innagu soo haayo in aan yaqiinso "kala bax kitaabahaa qabo", ananaga oo ka duulayno hogaanka DMQ iyo caalamka oo dhinac ah iyo Al-Shabaab oo dhinac ah sida ay isugu biratumanayaan,annaga oo ka duulayno in aynan jirin dad ay kulmiso "aan wada hadalno waa aan heshiino" oo iyada ah caqli saliim ah.

  Su'aal kale, annaga xagee dan innoogu jirto kol haddaanan gacan ku lahayn abaabulkaas dagaal ,isla markaasna aynan jirin qaab aan uga hortegi karno dagaal lagu hoobto oo mar kale ka dhaco gayigeena.

   Annaga waxaa dan inoogu jirtaa in aan si dhab ah u garab-istaagno DMQ oo iyada gacan ka helayso caalam shalay na dayacay, maantana aanan innoola socon dan Soomaliyeed, balsa u socdo dantiisa oo iyada hadda la dhihi karo waxay la mid tahay danteena oo iyada ah in geeska Afrika ku soo noqdo xasilooni iyo wada noolaasho salka ku heyso ixtiraam iyo deris wadaag.

  Annaga Danteena waa nabad dalkeena ka dilaacdo mar kale ,haddaba nin walba wuxuu su'aaladaha kor ku xusan ka heli karaa halka ay taalo nabadaas  oo laga doonan karo. waxaadna ogaataa nabadaas in aanan marnaba lagu gaari-karin in aan ku daba faylno nin aanan arxan lahayn, qorina garabka ku sito ,doodiisana tahay dantayda iyo tan  qabiilkayga ha loo roonaado, tiiyo ay hadda innoogu darsameen koox ku dirirayso diintaan daafacaynaa ,howshaynana qabiil kama maaranto iyo u adeegida danaha shisheeya aanan la aqoon, .hadafkoodana uunan cadayn marka laga reebo Calanka madow oo ay kooxahan ku dagaal galaan ,meeshay tagaana ka suraan..

  Xamar oo lagu kala baxo waa nabada Soomaliya ,qaabka hadda wax u socdaana waa kala bax kitaabahaa qabo ,Somaliyeey waddankiina ugu duceeya in ilaahey gacanta sare siiyo ruuxi si dhab ah ugu  taagan danta ummadda Somaliyeed iyo soo celinta Somaaliweyn nabad kuwa wada noolaato

 Hadal waxaa ugu macaan kan lagu xuso magaca Ilaahey oo qalbiga qofka si dhab ah uga soo go'a, hadalkeena aan ku soo gabagabayno "Allow waddankeena ku soo celi nabad waarto  iyo hogaan caadil  ah ee wanaag wax u maamulo"Aamiin..09/09/2009

 

 Abdallah Moallim Mahamud(Cabdullahi Siyaasi)

Moallem10@yahoo.com

Welcome to Calayaale Page
Sign  kuqor wixii Ra'yigaaga ah
Name
E-mail address
Homepage URL
Comments
 

Read Akhriso

Webmaster@calayaale.com Tafatiraha wararka caalamka iyo  soomaliya Calayaale Media Center calayaal@yahoo.de kalasoo xiriir

_________________________________________________________