Shirka Djibouti Ayaa Naga Shaafin Kara Sharta Shabaabka!

 
By:ganey snow [mailto:toxobow@hotmail.com]
Ra'yi
Jun 08 2008

Waxay Maalmahaan Umadda Somaliyeed dhamaantood gaar ahaan reer Muqdishu wada dhowrayaan waxa ka soo bixi Kara wadahadalada nabadda ee ka socda dalka Djibouti una dhexeeya isbaheysiga dib u xoreynta soomaliya iyo dowlada federaalka ku meelgaarka.

 

Wadahadaladaan nabadda ayaa waxaa soo Qabanqaabisay beesha caalamka, oo hadda u soo jeesatay in wadanka eey colaaduhu halakeeyeen ee somaliya uu helo Nabad waarta, isa markaana la badbaadiyo inta ka hartay shacabka reer Muqdisho ee guryahoodii ka baracakay daadsana hareeraha magaalada.

 

Somalidu waxey tiraahdaa (caano daatay dabadooda la qabtaa), waana la wada ogsoonyahay in shacabkaas baracakay eey iskugu darsameen CUDURO, GAAJO IYO WALIBA HOOY LA`AAN isla markaana eey u baahan yihiin NABAD si eey guryahooda ugu soo laabtaan ogana baxaan dhibaatada baaxada weyn ee hadda heysata.

 

Balse, Ururka shababka caalamiga ah oo aan laheen hadaf iyo siyaasad cad toona, isla markaana dhiiga shacabka somaliyeed ee Muslim ka ah ay ugula wayntahay shilmaadka yar ee ururada carabta ee xagjirka ah ay bixiyaan ayaa wuxuu si xoogan uga soo horjeestay in ciidamada Eithiopia wadanka laga saaro lagana badalo ciidamo kasocda Qaramada Midoobay.!!

 

Aqristoow, Ma ogtahay in ruux kasta oo ku dhaqan magaalada Mogadishu ha ahaado wadaad, ganacsade, iyo nabdoonba oo ka soo horjeestay ujeedooyinka guracan ee sharwadayaasha alshabaab inuu ku xukuman yahay dil toogasho oo aan ka noqosho laheyn.!

 

Sidoo kale, ma ogtahay aqristoow in dadkii xamar ku dhintay sanadihii 2006-2008 marka sedex qeybood loo dhigo hal qeyb iney dileen Gacan ku dhiiglayaasha alshabaab.!

                       

Qisooyinka xanuun ka badan oo aan halkaan ku soo koobi karin waxaa ka mid ah,Hooyo somaliyeed oo lagu eedeeyay iney GAALO RAAC tahay kadibna la toogtay maadaama ay SHAAH ka iibin jirtay Ciidamada dowlada federaaalka iyo ku dhawaad 900 oo wadaad oo masaajidyada laga baxay isla markaana la toogtay ayagoo looga shakiyay iney qalbiga dowlada federaalka ka taageersan yihiin.!!

 

Haddaba aqristaha sharafta lahow, Miyuusan shirka Djibouti naga shaafin Karin sharta shabaabka.

Calayaale Page
Sign  kuqor wixii Ra'yigaaga ah
Name
E-mail address
Homepage URL
Comments
 

Read Akhriso
 

Xafiiska wararka caalamka iyo  soomaliya Calayaale Media Center calayaal@yahoo.de Webmaster@calayaale.com kalasoo xiriir.

 
 

_________________________________________________________