Culimo Dad u Eki Bay kugu Dishaa, Abeesona Dhul u Eki

By:   Dr Ali Ahmed Hirabe   Email: Hirabe_a@hotmail.com 

Ra'yi
  16Jen -09 

Waxaan cinwaankaan u soo qaatay ayaa ah in maanta kuwa isku tilmaamay Islaanimada ama muslinimada in eeyan dhamaantood ka wada mideeysneeyn sidii loo wajihi lahaa nabada somalia iyo in dalka somalia uu yeesho dowlad u howlgasha shacabkan 19 sanno ku dhex jiray colaada laguna gumaaday gumeeysiga Ethiopia iyada oo laga lahaa hadaf aad u guracan balse looga hortagay caqli iyo dareen wadanimo,waxaan aad ugu xumahay in Al-shabaab eey ka weecdeen hadafii iyo ujeedooyinkii loo abuuray,waxaan jeclahay in aan halkaan ugu cadeeyo Al-shabaab in shacabka somalia uu diidan yahay qodobadaan soo socda oo runtii umada u aragtay mida sii dheeraayn karta colaada somalia

 

1) Magaalada Marka ayaa Nin lagu Magacaabo Ibrahim Almaqdis oo sheegay in uu ka tirsan yahay Mujaahiddiinta Alshabaab ku tilmaamay hadafkooda in  uu yahay in eey socdaan ilaa Alaska oo ku taalla Mareykanka, Japan, Koonfur/Afrika, Turkiga,Japan sow  Alshabaab Hadafkii u u abuurmay ma aheeyn mid Waddanka Soomaaliyeed looga Xoreynayo Cadawga Tigreega ah iyo badbaadinta shacabka 19 sanno dagaalka sokeeye isku ahyay.

2) Qubuuraha qaabkii aad u wajahdeen waa wax aad looga naxo,Ilaah waxaa uu dhahay:  سورة الأحقاف    Surad Axqaaf 4& 5

 وَمَنْ أَضَلُّ مِمَّن يَدْعُو مِن دُونِ اللَّهِ مَن لَّا يَسْتَجِيبُ لَهُ إِلَى يَومِ الْقِيَامَةِ وَهُمْ عَن دُعَائِهِمْ غَافِلُونَ

 

وَإِذَا حُشِرَ النَّاسُ كَانُوا لَهُمْ أَعْدَاء وَكَانُوا بِعِبَادَتِهِمْ كَافِرِينَ

Ilaah noo sheegay in eeyan baaneeyn in lala caabudo ama lala baryo cid aan asaga aheeyn xaqna maaha,qofii caabudana qiyaamaha waxa uu caabudaayay ayaa dafiri,xaqiiqdii waxaa qumaneeyd in umada la wacyi geliyo,wax la baro loo sheego in Ilaah oo kaliya la caabudo cidna aanan lala caabudin,meeday xigmadii iyo caqligii culamada la faray in eey ku gudbiyaan waxa ilaah baray.

2) Amiirka Al-Shabaab waxaa quman in uu noqdaa ruux garasho dheer leh,cayda iyo malaád waa laga fiican yahay,waxaa aad ii dhibtay shidaal ayaa lagu shubtay labada shariif meeday akhlaakhdii aadaabtii xishoodkii culumada,N.Cade iyo C/aahi waxba isma dhaamaan iyadana maaha mid sax ah xaqiiqdii farqi aad u weeyn ayaa u dhexeeya labadaa nin,C/aahi Al-Shabaab waxaa uu lahaa waa Al-Qaacida halka N.Cade uu dhahayay Al-Shabaab waa somalia dalka,dadka iyo diinta wax ku leh, xilbaa ka saaran badbaadinta dalkooda iyo dadkooda iyo diintooda waa in eey ka soo qeeyb galaan nabada iyo dib u heshiisiinta,intaas miyuunan kaga saxsaneeyn N.Cade C/aahi.

4) Dagaalka aad qaadaan xaqiiqdii ma aha mid miisaan leh,Munkarka marka la suulinayo waxaa quman in ugu horeeyn laga fikiraa ma mid ka weeyn ayaad imaanaya mise mid la Ek mise mid waa yar.

5) Masiirkii dalka ayaa qalqiil ku jira,dalka waxaa uu leeyahay sedex dowladood, Puntland iyo somaliland waxaa lagu maamulaa Calmaaniya halka koonfur lala jaan dhacayo cidii xukumi laheeyd iyo waxii lagu xukumi lahaa,haddiiba aad koonfur qabsataan sow dagaal iyo burbur socon maayo sow maaha in dagaalka uusan weligiis dhulka ka dhamaan.

Maxkamadaha raga sheegta ee Asmara waxaa quman in aadan colaada hore u sii hurin,Indhacade waxa ka soo yeerayo ee ah cidwalbaa meeshii eey fadhin jirtay ayeey degeeysaa,aniga ayaa qabsaday iwm waa arimaha abuuri kara colaada,shacabka somalia cida colaada u taagan waa eey ka hiilinaayaan kuwa nabada u taagane waa eey u hiilinaayaan,taariikhda Indhacade somalida kama qarsoona somalida waxaa eey dhahdaa Rag la'aan waxba kuma yeeshee Rag xumaa ku disha Ogow ragii ka soo shaqeeyay in Ethiopia dalka laga saaro in eey quman tahay in nabada lala raadiyo si dalka uu ugu soo noqdo nabad.

 

 

Ilaah baa mahadaa leh in maanta eey Ethiopia ka baxdo caasimada somalia ee Muqdisho,waxaase Ilaah ka baryayaa in somalida eeyan is gumaadin balse uu caqliga taliyo,qoriga in uusan talin balse qaadirkeey la talo saarto lana aamino nabada iyo wadanoolaanshaha umad somalia,somaliada waxaa eey dhahdaa Doqontu xin maahee xisaabtan ma oga oo runtii aan ula jeedo in waxa hada socdaa ee xinta ah in eeyan dhumin in waxii somali ka xumaaday mudadii Ethiopia dalka eey timid iyo waxii ka horeeyay,waxaa shacabka somali diidan yahay colaad,dagaal,barokac boob iyo xabado danbe oo dadka somali dhexdooda ka dhex dhaca,cidii dagaalka sii wadana waxaa quman in farta lagu tilmaamo lagana soo horjeesto,waxaa quman in la wada hadlo la fahmo meesha laga yimid iyo meesha loo socdo,dhiiga oo sii socdaa darajo laguma gaaro xilna cidna kuma heli karto,haddii aad mooday in xil lagu gaaro colaada iyo gumaadka dadka somalia waxaa aanan meesha ka tagilaheeyn Maquuste iwm .Aan wada hadalno waa aan heshiino aan heshiino waa aan ku noolaano nolol xor ah.

 

 

Dr.Ali.A.Hirabe                                                        Hirabe_a@hotmail.com

 

Welcome to Calayaale Page
Sign  kuqor wixii Ra'yigaaga ah
Name
E-mail address
Homepage URL
Comments
 

Read Akhriso

Xafiiska wararka caalamka iyo  soomaliya Calayaale Media Center calayaal@yahoo.de Webmaster@calayaale.com kalasoo xiriir.

_______________________________________________________