Cadaalad Darada
Alshabaab Canbaareyn uma Baahnee Waxaan doonayaa inaan maanta
qoraalkayga ku soo qaato bulshada soomaaliyeed oo maraysa marxalad aad u adag oo
aan laga gaabsan Karin una baahan inay dhamaantood iska kaashadaan maahee aan
qof iyo laba maarayn Karin sidii caddowgii shalay ee itoobiya iyo kii ka
horeeyay ee cadaa ee talyaaniga iyo ingiriiska ahaa looga midoobayna hadaan
looga midoobin dhamaan saamayn doonta cariga soomaaliyeed iyo inta ku hadasha
afka soomaaliga oodhan. Waxaa muddo dheer dadka degan deegaamada
ay xoog ku haystaan ciidamada alshabaab ku mashquulin jireen naftooda kuna
maaweelin jireen inay iman doonaan ciidamo maraykan iyo ruush iyo reer yuruba
kana kaxayn doonaan oo iyaga oo aan far qaadin lala dagaalami doono Argagixsada caalamiga ah nasiib daro
way dhici wayday taasi. Waxaan u sheegayaa bulshoweynte reer
koonfureed goboada dhexe ciidan afrikaana iyo mid ameikaana kama dagaalamin ee
soomaaliya ayaa ka dagaalantay banaankana iska dhigay alshabaab ma hawaysan
karaan alshabaab maamul goboleedka puntland iyo jamhuuriyada soomaaliland waayo
shacabkooda ayaa isku duuban oo karti iyo dedaal muujiyay ay kaga hortagaan
aafada iyo dhibaatada colaadeed ay nimankaasi ku caanbaxeen Markaa alshabaab mar hore ayuu
sahansaday gobolada koonfureed iyaga oo loo adeegsaday dad iyaga ka dhashay oo
aaminsan fekerka gaalaysiinta muslinka iyo fulinta awaamiirta Buuraha afgaanistaan laga soo abaabulay Waxaana la dhameeyay intii noolayd ee
wax fahmaysay iyo intii xooga lahayd ee aan amarkooda qaadan waxaa lakala
qaybiyay mayd midba laami la dhigay waa ka doodi waayeen deegaamada dhibkaasi ka
jiray waxaa la dilay duqeey iyo waxgarad way ka doodi waayeen kuwii noolaa
markii sidii la doono laga yeelay waxaa dib loogu soo noqday kuwii dhintay oo
xabaalaha laga soo saaray maydkoodana badwaynta hindiyaa lafahooda lagu shubay
qaarna la gubay. Hadaba waxaan maqli jiray ilaa maalintii
aan garaadsaday falastiin ayaa dad lagu xasuuqay oo israa,iil dhamaysay carabina
way canbaareysay kuwo kalena waxay sameeyeen baroordiiq Qaarna waxay ku mudaharaadeen
safaaradaha reer galbeedka oo ay u muujiyeen sida ay uga xun yihiin. Tirade israa,iil waa 2,000,000 waxayna
xoog ku dhex joogaan 500, 000,000 taas waxay u saamaxday inaysan wax naf ah
lahayn ama quwada ama talo ah ama tawfiiqa umada carbeed oo sidii la doono lag
yeeli karo. Hadaba bulshada ku dhaqan waqooyiga
muqdisho iyo dhamaan gobolka shabeelada dhexe hiiraan qaybo ka mida galguduud
iyo shabeelada hoose waxaa la soo deristay qisadaan hore uga soo hadlay ee
ahayd mudaaharaad iyo canbaarayn. Alshabaab maaha niman mowqifkoodaa la
gabanayaa cid ay ka baqanyaana ma jirto ama canbaareeyaa ama calaacala ama ciil
la ooyaa mid dhintay iyo mid nool midna ma dhaafayaan. Waxaan u soo jeedinayaa bulshoweynta
soomaaliyeed ee deegaamadooda gumaysiga lagu haysto laba arimood midkood. Dadka caalamku waxbay diidaan waxay
diidaana way ka dagaalamaan o oaf iyo adin ayay kala hortagaan guul iyo
guuldarana way u adkaystaan. Ama dantoda ayay eegtaan oo naftooda
siday ku badbaadayso ama gumaysi ha noqoto ama gunimo kale ha noqotee way
sameeyaan muran iyo qaylana way iska dhawraan Labadaa arimood shacabka reer muqdisho
iyo gobolada kale midna kama muuqdo Waxaanay taagan yihiin dhexdoodaa waana
hana dhiman hana noolaan waana mawqifka aduunka ugu xun, qof aan waxna diidi
Karin waxna doonayn. Kooxda alshabaab waxaa ka go,an qof
kasta oo aan mawqifkooda taageersanayn ama inuu dhinto ama inuu qaxo wax u
dhaxeeya ma leh. Markaa waxaan usoo jeedinayaa bulshada
daljirka dahsoon ku banaanbaxday ciidan dibad ka yimaada oo idinka celiya
alshaabaab ha sugina cudud aan tiina ahayna haku xisaabtamina Canbaarayn iyo cay iyo cilaaqtana waxba
idinka celin maayee ciidankiisa iyo curadadiina laba daran mid u dooraa in
alshabaab dilo oo gaalo ku xukumo inay raacaan uu qarxiyo. Labadaa waxaan ahayn waa inuu iska
celiyaa markaa waqti calaacal iyo canbaareyn lama joogee cududiina ku tashadaa
ciilkana kaga baxa waxaan qoraalkan oo aan si cadho leh u qoray ku soo afjarayaa
. Ciilka iyo murugada Calooshu ay la oloshee Cindigiina gubayaa Canbaareynta shalay Ceebaynta maantuba Cilad saaari maayee Cududiina kaashada Iyo ciidan iyo xoog Calmadoobe waraniyo Birta ciilka kaga baxa Isku caynsha baaruud Caaradhuubka aakaha Cudoonoow dhashiikaha Ciiltaroow ah dabajeex Intaad caynsataanoo Rasaasta u camirataan Suuga cagaha kaga jara Shilkaha ku cabudhiyoo Ku cajiima bee teen Cadibaada uga dhiga 37 ku cawdhiya Cabsi oodhan iga dhiga Halkaad caawa joogtaan Cadceed soo baxeediyo Cadaadkeeda waaberi Dib yaan looga cararine Cagta hore usii wada Ciidan dowliya iyo shacab Caanaha ka daba sida Cudud qaran ahaadoo Cajabee difaac gala Iyo weerar caymiya Shacabkaa cidlada yaal Cirooliyo caruuriyo Cadrada iyo wiilkaba Cisho qaadan maysee Cududiina xoojoo Caqligiina kaashada Ciilku hayna daayoo Ceebtu hayna dhaaftoo Cadowguna ha jaba oo Calanku ha xorooboo Caruurtuna samaaniyo Cisi iyo wanaagiyo Caafimaadba way heli Culumada ilaahay Caaqil iyo odayaal Dumarkiyo caruurtuba Carigoo nabadiyo Cisi bay sugayaan Canbaaraynta iga jira Sida carabta oo kale Caagado ha tumanina Cududiina maalooo Cadawgiina jabiyoo Curadada ku ciil baxa Wabilaahi tawfiiq Waa Qalinkii iyo Hall_abuurkii Cabdiraxiin Hilowle Galayr
Webmaster@calayaale.com
Tafatiraha wararka
caalamka iyo
soomaliya Calayaale Media Center
calayaal@yahoo.de
kalasoo xiriir
_________________________________________________________ |