Aduunka umadaha ku nool qolo
weliba waxbay caan ku tahay oo lagu amaanaa Ama lagu dhaleeceeyaa ,
waxaa nasiib daro noqoto
warbaahinta caalamka iyo dhamaan qaybaha kala duwan ee bulshada caalamka in
soomaalidu ka noqotay Tuke baal cad oo wax xun maahine aan wax wanaagsan laga
qorin mararka laga hadlayo dadka dhagaysanaayaa iyo kuwa fiirsanayaa way
dhibsadaan waxa laga sheegayo. Hadana waxaan marqaati ka
nahay dadka waxaas samaynayaa inay yihiin 5% oo 95 % ay ka badqabaan dhinaca
taageerada niyada iyo lakala safashada maahee ficil xun waxaa samaynayaa
Waa wax yar. Qormadaydan oo aan ugu talo
galay inaan ku falanqeeyo kaalinta uu maanta taaganyahay wiilka soomaaliyeed ee
la ahna Fanaanka dhalinyarada ah ee Kaynaan ayaa waxaan tusayaa
bulshada soomaaliyeed marka hore in qof walba gaar ahaantiisa xil ka saaran
yahay kor u qaadista magaca iyo muuqa iyo muunada umada soomaaliyeed. Xalay ayaa waxaa
warbaahinta iyo telefishinada caalamka laga soo daayay bandhig faneed
Ay ka soo qayb galayaasha
koobka aduunka ku soo bandhigayeen fanaaniintoodu heeso Iyo muuqaalka jiritaanka
wadankooda iyaga iyo shacabkooduba. Hadaba kaynaan oo ka mid
ahaa faaniinta meeshaas ka soo qayb galay ayaa waxa arin lagu daydo Oo lagu baraarugo ah inuu
soo qaatay Calanka umada soomaaliyeed , xitaa durbaanada loo garaacayay Uu ku shaqlay calanka umada
soomaaliyeed isaguna uu gacanta ku hayay calankiisa isaga oo ku dhaadana .
(Sareeyoow ma nusqaamoow Aan
siduu yahay eegnee Kana
siib kana saar) (Qolaba
calankeedu waa cayn Inaga
keenu waa cirkoo kale Aan
caadla lahayne caashaqay)
(Calankayagoow
hooyaa
Waad na caawisee ) Waa suugaantii
abwaanadii hore ee wadaniyiinta ah ee dhaxalka ahayd ee uu nooga tageen waxaana
ka dareemaysaa qiimaaha iyo wanaaga iyo muhiimada uu leeyahay calanku ama sumada
umad lagu gartaa oo ka turjumaysaa waxaad tahay , hadaad dhulka dhigtona inaad
dhulka taalo sida aan maanta nahay hadaad kor u qaadona inaad kor ahaanayso. Manta waxaan
dhamaanteen kor u sidnaa calanka qabiilka iyo jufada , raaska, bahda, qoyska,
Ma jiro qof
soomaliyeed oo subixii u toosa siduu wadankiisaa soomaaliya iyo umadiisa
soomaaliya wax ugu qaban lahaa isaga oo aysan ku jirin ujeedo gaar ah ama dan
isaga iyo reerkiisa ka badan. Waxaynu wada
nahay , jago doon , macaash doon, xoolo doon, magac doo, maksab doon, madax doon,
godob doon, aar doon, iwm Ma jiro qaran
doon, wadan doon , calan doon, cisi doon, iwm Waxaan umada soomaaliyeed ku
boorinayaa inay ubadkoodaa ku barbaariyaan diinta islaamka iyo wadaniyada,
halkay ku bilaabayaan , (yaa tahay ),( qolamaa tahay) inay ugu bedelaan inuu
yahay soomaali qofka soomaaliyeedna yahay walalkiis si loo helo berito kumanaan
leh qadiyada Mudane kaynaan warsame oo
kale. Waxaan dareemay yididiilo
markaan arkay calankii umada soomaaliyeed oo caalamka oo dhan hor yaala iyo wiil
soomaaliyeed oo kor u sida , waxaan ogaaday inaysan dhamaan rajadii wadankani Ee uu baahaan yahay 15%
wadaniyiina oo naftooda iyo maalkooda dib ugu yagleela wadankii soomaaliya
waxaan dhalinyarada soomaaliyeed kula talinayaa in nin walba xil ka saaran yahay
Wax u qabashada umadiisaa
iyo wadankiisa waxaan hadalkayga ku soo afjarayaa tixdan gaaban. Kolkay badaha u baqooshay Kolay kala baaday badiba Kolkay kurbadiyo xanuunka Kadeedka badeen dadkeedu Kacdoonkiyo dhiiladiisa Kolkay saxariir ka qaaday Kolkay kallahaada badisay Kolkay kooraha dul saartay Ee ay keenaysay awrka
Kolkay kala guurtay badiba Kolkay geediga bilowday Kolkay kanadiyo maraykan Kolkay yurub kooxi gaadhay Kunbaa dhaqankooda diiday Kunbaa diintii kahdoodoo Kunbaa kasi waayay talada Kooxiba meelbay u baydhay Kartida waa loo dhashaa
Kaskana waynahaa baxsha Kalsoonidu waa hogaan Kaynaanbaa calankii sida Keligiis buu taagan yahay Kulan ay kuman malyuun Ku loolamayaan dadoow
Waxuu kor u qaadayaa
Kor dahab calankii ahaa Kuwii garabkiisa iyo Kaltanka la wadaagi laa Iyagaa iss kadeedadayooo Kurkay iska gooynayaan Kaaray isku weeraaraan Koox koox bay kala noqdeen Kursi bay wada doonayaan Kaskeedana ruux lehiba Kuligood kuma wada jiroo Kuus lacagay wada rabaan Allow kaynaano badan Kun wiilo magaca sida
Kitaabada kuwa qoriyo Kubada kuwa dheela iyo Kuwo orodyahanahiyo Kuwa hindisiinahoo Aduunka kusoo kordhiya Waxay keeneen
iyagu Kor yeelana
magaca iyo Kaalinteenii
dadnimo Kuwaan laga
maarmi karin Kartiyo diin iyo aqoon Wadani kaafiya dadkaan Kariimoow adigu keen. Waa Qalinkii iyo
Hal-abuurkii Cabdiraxiin Hilowle Galayr
Webmaster@calayaale.com
Tafatiraha wararka
caalamka iyo
soomaliya Calayaale Media Center
calayaal@yahoo.de
kalasoo xiriir
_________________________________________________________ |