Soomaalidu waa Dad Boqolkiiba boqol
Muslimiin ah dhaqan iyo haybadna Alle ku ilhaamay xeer
asluubeedna u leh inay isku gurmdaan hadaba anagoo taa ka
tixraacayna ayaan waxan go aansanay inaynu idiin soo gudbino
aabe dhiban islamarkaana la liita dhaawac halis ah oo ka
haleelay xubnaha ugu muhiimsan jirka binu'aadamka una baahan
kaliya naxariis RABI iyo gurmad walaal waxa xaqiiqaa in
bulshaweynta soomaaliyeed iyo qofkasta oo dareen bini aadan leh
ka danqanayo markuu aqristo sida uu ula liicayo aabahan
dhaawacyada hareeyay.
Hadaba aabe Maxamuud Ismaan Macalin Muxumud waxa uu mudo lix
bilood ah layaalay dhaawac kasoo gaaray madaafiic ku soo dhacday
suuqa weyn ee bakaaraha ee magaalada muqdisho halkaasi oo uu
quutul yoonka qoyski isa ka soo dhacsan jiray.
Intaasi ka Dib waxuu Dhaawacaasi ka haleelay aabe Maxamuud
Ismaan xididka isku xira dareenka qofkabinu'aadanka ah ee dhex
mara lafdhabarta loona yaqaano xangulaha.
Wuxuu sidoo kale waxyeelo aad u balaaran ay kasoo gaartay
nerfaha oo dhan waxana uu ii sheegay mar aan ku booqday
gurigiisa oo ku yaala dagmada shangaani ee gobolka banaadir in
dareenka uu katagay qaybaha hoose ee jirkiisa isagoo laga
dheehan karayay muuqiisa xanuunka aadka u daran ee haya hase
ahaatee waxa iigu darnaa markii aan arkay qayb hilibka jirkiisa
ka mid ah oo ku hartay halka uu jiifay kuwaasi oo kasoo go'ay
halka uu dhaawaca kaga yaal waxa uuna ii sheegay in uu sidan
marwalba u go'o taasi oo micnaheeda uu iigu sheegay daryeel
la'aan haysata.
Dhibane maxamuud waxuu Sidoo kale ii sheegay in Mudadani uu
dhawacyahay ay kaadida ka qaado dubo ku xeran xubinkiisa Taranka
ah, waxuuna Calool Xumaha iigu sheegay in marmarka qaar uu
ogaalka ka tago xanuunka haya aawadii, isla markaana ay ilmo soo
dhaafeen idhahiisa.
Ugu Danbeentii Aabe Maxamuud oo heysta Sagaal caruur ah ayaa
codsaday dhamaan shacabka somaaliyeed iyo cidkasta oo ka
damqanaysa xanuunka haya in ay kaalmo bini aadanimo lasoo
gaaraan waxa uu yiri {Waxan u baahanahay naxariis alle iyo
gurmad wallaal marka wallaalayaal ha igu eegina dhawacan aan la
Jiifo}, runtii inta aan la joogay aabahan dhibanaha qoyskiisa ma
qiyaasi karin shucuurtayda iyadoo ay isoo dhaaftay ilmo mar qura
waxana rumaysanahay in qofkasta oo ila mida uu aad uga naxayo
xaalada uu kusuganyahay aabahan soomaaliyeed.
Faaduma ibraahim oo ah xaaska maxamuud cisaman yaa ii sheegtay
iyana in ay geeyeen inta badan isbitaalada magaalada muqdisho
hase ahaatee ay u sheegeen dhaqaatiirtu in dhawaca aabahan wax
looga qaban karin gudaha dalka soomaaliya iyadoo ii sheegay in
saxarada iyo kaadida jiifka looga qaado waxayna ii raaciday inay
u hayso caruur ay tiradoodu gaarayso 9 o o da'doodu aad u
yartahay.
Faadumo ayaa ayaa intaa ii raacisay in caruurtani yar ay
waxabarasho igu danbeysay markii uu aabahood dhaawacmay wixii
markaa kadanbayayna ay noloshoodu mugdi sii galaysay, waxayna
hooyo faadumo ka codsatay walaalaha soomaaliyeed inay gurmad
lasoo gaaraan ninkeeda dhibanaha ah islamarkaana ku taageeraan
waxa karaankooda ah.
Hadaba haka hakran waxkasta oo awoodaada ah dhibanahan ee lasoo
gaar hadii ay sidan ku sii socoto xaaldiisa waxaa laka cabsi
qabaa noloshiisa inuu waayo.
Cid waliba oo dooneysa in ay gar gaarto aabahaani dhibaateysan
ayaa kala xiriiri karta taleefoon nabarada ka ah +252615595136-
+252615205576 oo laga helo dhibanaha doonaya in la caawiyo
waxaana sidoo kale aad kala xiriiri kartaa +252615088581.