Dowladda Federalka
Somaliya oo dhowaan ku
dhawaaqaysa xubnihii ay
Ahlusunah ka heleen Dawladda.
Calayaale News
19-March2010 Calayaale warkii dalka
Ra’iisal Wasaaraha
Xukuumadda Federaalka soomaliya Dr. Cumar C/Rashiid Cali
Sharma’arke iyo wafdi ka tirsan xukuumadiisa ayaa haatan jooga
xarunta Midowga Afrika ee magaalada Addis Ababa dalka Itoobiya,
iyadoo ay socoto qabanqaabo ku aadan in Ra’iisal Wasaaraha iyo
wafdi kale oo ka socda Dhaqdhaqaaqa Culumada Ahlu Sunna
Waljameeca ay isla jaan gooyaan xubnaha xukuumadda uga mid
noqonaya.ahlusunah
Wararka naga soo gaaraya magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya
ayaa sheegaya in Ra’iisal Wasaare Cumar C/rashiid uu martiqaad u
sameeyay wafdiga Ahlu Sunna Waljameeca ee dhowaan heshiiska ku
gaareen halkaasi, iyadoo labada dhinac ay isla meel dhigeen
fulinta waxyaabihii ay ku heshiiyeen.
Heshiiska taariikhiga ah ee Xukuumadda la gaartay Culumada Ahlu
Sunna Waljameeca ayaa la sheegayaa inay ku kala qeybsameen
culumada, iyadoo qaar ka mid ah ay sheegeen in waxyaabaha ay ku
heshiiyeen labada dhinac aysan iyagu ku qanacsaneyn, hase
yeeshee warar soo baxaya ayaa sheegaya in wafdi ka tirsan
Culumada Ahlu Sunna oo Addis Ababa ka tegay ay iminka kulamo la
leeyihiin xubno ku sugan gobolada dalka.
Dhinaca kale, aragtiyaha kala duwan ee ka soo baxaya shacabka
Soomaaliyeed kuna saabsan heshiiska dhex maray Xukuumadda iyo
Dhaqdhaqaaqa Ahlu Sunna Waljameeca, ayaa iyagu muujinaya in
shaqsiyaadka sheeganaya Ahlu Sunna ay yihiin kuwo aan lahayn
miisaan siyaasadeed oo sidaas u buuran, iyadoo la aaminsan yahay
in heshiiskaasi uu yahay mid sal adag loogu dhigayo jiritaanka
Qaranimada dalka, diinta iyo dadka oo iminka khatar ugu jira
inuu gebi ahaanba meesha ka baxo.
Maxamuud Axmed Xasan ( Xuurshe)
xuurshe114@hotmail.com
Muqdisho-Somalia
Tel:002521-5573321
0025250-995088