Deegaanka xawaadleey ooka tirsan degmadda
Balcad ayaa sheegaya in Buundada ku taal deegaanka Xawaadley
laga bilaabay dayactir lagu sameynayo taas oo aanan in mudo aan
helin wax dayactir ah.tan iyo bur burkii dawladdii sharciga
aheeyd ee uu hogaaminayay marxuum maxamed siyaad bare
kooxdda Al-Shabaab ee ka arimiya Gobolka Shabeelaha dhexe ayaa
saxaafada u sheegay inay iyagu wadaan qorshaha lagu dayactirayo
buundadaasi oo ay sheegeen inay tahay in la dayactiro.
ninka ugu sareeya koxdda al shabaab ee haysata Gobgolka
Shabeelaha dhexe Bukhaari Aadan Cali ayaa sheegay in
dayactirakaasi ay u sameynayaan madaama buundadaasi aanay helin
mudo 30 sano ah wax dayactir ah islamarkaana ay iminka iyagu u
istaageen arintaasi.
"Dayactirku wuu bilowday,islamarkaana socdaa,waxaana rajeyneynaa
in si hagaasan loo dhameeyo dayactirka nbuundadaasi" ayuu yiri
Bukhaari Aadan Cali wuxuuna sheegay in loo baahan yahay in dadka
Gobolkaasi ka qeyb qaataan howlahaasi dayactirka ah.
Dayactirka Buundadaani waxaa uu ku soo aadayaa xili fatahaada
wabiga Shabelle cabsi weyn laga qabo inuu saameyn ku yeesho
dhamaan Gobolka Shabeelaha Dhexe meelaha uu wabiga shabeele ka
maro iyadoo meelaha qaar waliba laga bilaabay in ka hor tag la
sameeyo sida Xarunta Gobolkaasi ee Jowhar.
Xukuumada
dalka Soomaaliya oo mar kale ku celisay inay wado qorshayaal ay
ku doonayso inay kula wareegayso magaladda Muqdisho.
Sheekh C/qaadir Cali Cumar Wasiirka
arrimaha gudaha xukuumadda federaalka Sheekh C/qaadir Cali Cumar
ayaa daboolka ka qaaday inay xukuumadiisu ayxiligaan waddo
Qorshayaal ay ku dooneyso sidii ay ula wareegi lahayd guud
ahaan Magaalada Muqdisho. Xarunta Dalka soomaliya oo ay haatan
xukuumadiisu ay haysato degmooyin kooban
Qorshahaan ayuu arrimaha gudaha xukuumadda
dalka Soomaaliya in la wado oo uu socdo, wuxuuna sheegay in sida
ugu dhaqsiyaha badan looga baxayo dhibaatada faraha badan ee ka
jirta Magaalada Muqdisho.
Wasiirka ayaa ku eedeeyay xoogaga ka
horjeeda xukuumadda Soomaaliya inay ka dambeeyaan dhibaatada iyo
Xasilooni darida ka jirta Magaalada Muqdisho, wuxuuna cadeeyay
in qorshaha ay wado dowladda KMG ah ay tahay ujeedkiisa sidii
Shacabka Soomaaliyeed dhibaatada looga qaadi lahaa.
Sheekh C/qaadir Cali Cumar Wasiirka
arrimaha gudaha xukuumadda Soomaaliya wuxuu ugu baaqay shacabka
Muqdisho inay ku taageeraan xukuumadda somaliya inay gacanta ku
dhigto guud ahaan degmooyinka uu ka kooban yahay Gobolka
Banaadir.
Contact:editorial@calayaale.com
Webmaster@calayaale.com