Kooxdda Al-Shabaab oo Fara baas ku haysa Warbaahinta Gudaha Albaabadana isugu dhuftay Idaacad ka howlgasha degmada Baardheere ee Gobolka Gedo.

Calayaale News
 18-March2010 Calayaale warkii dalka

Wararka ka imaanaya Magaalada Baardheere ee Gobolka Gedo ayaa sheegaya in la xiray Idaacad Madaxbanaan oo halkaas ka howlgeli jirtay, taasoo lagu magacaabi jiray Markabley ahaydna mid madax banaan oo halkaasi laga dhagaysan jiray.

Axmed Cumar Saalixi Agaasimaha Idaacadaasi ayaa shalay ku dhaawaqay inay xireen Idaacadda, isagoo sabab uga dhigay in isaga iyo wariye uga soo warrami jiray Magaalada Baladxaawo loo xiray war ay sii daayeen oo idaacadaasi ka baxay.

"Waxaan go’aan ku gaarnay inaan Idaacadda xirno, waayo waxaa horay noo saarnaa cadaadis, haddana waxaa muuqata in xarig na loogu daray" ayuu yiri Axmed Cumar Saalixi Agaasimaha Idaacadaasi .

Agaasimaha Idaacadda Markabley wuxuu sheegay in horay looga joojiyay inay siidaayaan wararka ku saabsan dowladda, haddana loo sheegay in la xirayo haddii lagu helo iyagoo sii daynaya warar kale oo aanu maamulka halkaas ka jira waxba kala socon oo aysan raali ka ahayn.

Sababaha loo xiray Agaasimahaasi iyo Wariyahaba ayaa la sheegay inay ahayd dadka ka gudba xadka u dhexeeya Somalia iyo Kenya oo cadaadis fara badan la kulma.

 

Khilaafkii ugu xumaa oo ka dhax oogma Hay'addaha Dawladda ee Fulinta iyo garsorka dalka Godoomiyaha Maxkamadda sare oo ka hadlay arintaasi

Guddoomiyaha maxkmadda sare ee Soomaaliya “Ma aqbali doono, mana is casili doono, ee Sharciga ayaan la tiigsan doonaa wasiirada  Kaluumaysiga  iyo garsoorka.C/Raxmaan xaaji aadan Ibbi ayuu yiri Dr Maxamuud Cumar faarax Indhabuur oo banaanka soo dhigay Arimo dhaliyay khilaaf ee ka dhaxeeya isaga iyo Ibbi

 

Maxamuud Cumar Faarax (Indha-buur)Guddoomiyaha maxkmadda sare ee  Soomaaliya ayaa ku eedeeyay Mid ka amid ah Wasiiradda Xukuumadda federalka soomaliaya wuxuuna sheegay in uu faraha la galay arimihii Garsoorka iyo madax banaanidda garsoorka Soomaaliya.

 

Gudoomiyaha Maxkamadda Sare waxa uu sheegay in hawshiisa ay soo farageliyeen wasiirada garsoorka iyo kalluunka,ahana R/iisul wasare kuxegeenka Somaliya C/Raxmaan aadan xaji ibbiwaxaana uu yiri  “Ma aqbali doono, mana is casili doono, ee Sharciga ayaan la tiigsan doonaa wasiirada  Kaluumaysiga  iyo garsoorka.” Ayuu yiri Maxamuud Cumar Faarax (Indha-buur)Guddoomiyaha maxkmadda sare ee  Soomaaliya.

 

Khilaafkaan hareeyay gudoomiyaha Maxkamadda sare iyo Wasiirada Kaluulamaysiga C/raxmaan Ibbi, Wasiirka Garsoorka Sheekh C/raxmaan Janaqow  iyo  Maxamuud Cumar Faarax (Indha-buur)Guddoomiyaha maxkmadda sare ee  Soomaaliya, wuxuuna Gudoomiyaha maxkamada wareysi uu arrintaasi ku cadeynaayo siiyay idaacadda BBC-da.

 

Dhinaca kale Guddoomiyaha ayaa ka hadlay awood yarida garsoorka Soomaaliya, in taasi awgeed inay mararka qaarkood ay indhaha ka qarsadaan arrimo badan, wuxuuna Gudoomiyaha maxkamadda Sare Maxamuud Cumar Faarax Indha-buur uu ahaa mid in muddo ah ku soo dhex jiray garsoorka Soomaaliya.waxaana ay isku beel ihiin Iibbi waxaana ka dhaxeeya qoray hoos ka tuur iyo khilaaf ku saleysan arimo beeleed oo sababay in laga dhaxdareemo haykalkii dawladda


 

Contact:editorial@calayaale.com  Webmaster@calayaale.com
If you have a minute, please sign my Dreambook too!   

aduunyo5@yahoo.com

Maxamuud XAsan Cumar

Muqdisho somaliya

002521/5506210

Muqdisho somaliya

 

Calayaale Page
Sign  kuqor wixii Ra'yigaaga ah
Name
E-mail address
Homepage URL
Comments
 
                                                 Read Akhriso
              If you have a minute, please sign my Dreambook too!   

Xafiiska wararka caalamka iyo  soomaliya Calayaale Media Center  Contact:editorial@calayaale.com  Webmaster@calayaale.com kalasoo xiriir.

 

Contact:editorial@calayaale.com  Webmaster@calayaale.com