Soomaaliyeey Aan Dhan Uga
Soo Wada Jeesano Xabashi Iyo Wixi La Socdaba
Dadka Soomaaliyeed meel
walba oo ay joogaan waxay aad u soo dhoweeyeen nabadda
ka islaaxday(curatay) magaalada Muqdisho iyo deegaanada
ku xeeran oo lix iyo toban sano oo la soo dhaafay ahayd
xarunta qabqablayaal dagaal oo ay nolaoshooda ku
tiirsanayd, miirashada dhiiga maatidooda ,u adeegida
danaha gurracan ee cadawga ummadda Soomaaliyeed ,ka
shaqaynta fogeynta kalsooni dhaxmarto ummadda
Soomaaliyeed dhaxdooda iwm. dhinaca kalana, Soo
dhoweynta nabadaas keddib, waxay ummadda Soomaaliyeed si
aad ah, ugu hanqaltaagayaan cadaalad lagu dhaqmo oo
xidido adag u yeesho nabadda la helay, isla-markaasna
nabadda gaarsiiso dalka Soomaaliyeed intiisa kale,
waxayna si aad ah ilaahey uga rajeynayaan, in dalkooda
iyo dadkooda xor u ahaadaan ku dhaqanka shareecada
islaamka sida ay tahay oo uu na baray Rasuulki Ilaahey
Moxamed ibnu cabdullahi NKHA.
Guushaas ummadda u soo
hoyatay ,waxay dadka Soomaaliyeed intiisa badan ka
dharagsanyihiin in ay tahay, mid aanan ku imaan qorshaha
kooxda Isutagga Maxaakimta Soomaliyeed oo iyaga hadda
hormuud u ah, adkaynta nabadaas sida ummadda ka sugayso,
balse waxaa nabadda Muqdisho lagu helay towfiiq xumo uu
Ilaahey ku riday qabqablayaashi dagaal ee Muqdisho, oo
iyaga si aanan ganbad lahayn u
iclaamiyeen(kor-u-sheegeen) la dagaalanka Ilaahey,
Rasuulkiisa Moxamed(NKHA), Diinta Islaamka iyo Culamadi
u taagnayd kor u qaadida tayada aqooneed ee ummadda
Soomaaliyeed xagga diintooda..
Aan hordhac keddib u soo
noqono hadafka Maqaalkan oo isaga ah, sideen diinteena
ugu dheganaanaa ,nabadda Ilaahey na siiyana aan Ilaahey
ugu shukrinaa ,cadawgana isaga dhicinaa, munaafiqiintana
isaga qabanaa
Inta aanan u guda gelin,
tilmaanta aan guul kaga soo hoyn karno(Soomaali ahaan)
ififaalaha dagaal ee beryahan ka aloosan geeska Africa
oo isaga weji badan leh ,waxaan rajeynayaa in aan horta
tilmaan ka bixiyo Milis Sanaawi,
madaxweynaha dowladda Itoobiya dagaalka uu iclaamiyay,
yuu ku jeedaa ,maxaysa ujeedadiisa tahay, maxaasa isaga
shaqsi ahaan ku qasbay in uu dagaal ku qaado dalki ku
kaalmeeyay gaarista in uu gacanta ku dhigo saldanada
itoobiya.
Dagaalka uu iclaamiyay
Milis-Sanaawi in uu ku qaadayo isutagga Maxaakimta
Soomaaliyeed wuxuu runtiisa ku jeedaa dalka iyo dadka
Soomaaliyeed meelwalba oo ay joogaan ,kana ay mid tahay
DFKM uu isaga ku andacoonayo in uu ka difaacayo
Maxaakimta. Waxaana xaqiiqada hadalkan sal u ah .
Ka hor inta aynan Muqdisho
ku dhicin gacanta maamulka Maxaakimta, marnaba
Milis-Sanaawi lagama maqlin in uu dagaal ku qaadayo
qabqablayaashi fadhiyay magaalada Muqdisho, kana soo
horjeeday DFKM in la gaarsiiyo dalka intiisa kale, waayo
wuxuu ka dheragsanaa, xaqiiqadana ay tahay in
hogaamiyayaashaas, dhab ahaan uga shaqaynayeen si toos
ah iyo si dadbanba, danahiisa ahaa in aynan Soomalida
mar kale lugahooda ku istaagin, inta dowlada Itoobiya ka
gaareyso gacan ku dhigida halbowlaha dhexe ee maamulka
Somaaliya guud ahaan, iyaga oo ay howshaas u mathalayaan
hogaan Soomaaliyeed ee awaamirta ka qaato magaalada
Addis-Ababa.
Melis-Sanaawi in uu
Maxaakimta dagaal ku qaado waqtigan, Ujeedadiisa ma'ahan
neceyb gaar ah ee isaga u haayo Maxaakimta ,wallow ay
hubaal tahay in uunan jeclayn diinta Islaamka iyo dal
deris u ah dalkiisa oo lagu xukumayo diinta Islaamka,
haddana xaqiiqada iyo runtaba waxay tahay arbushaad uu
doonayo in uu ku sameeyo, in aynan Soomalida fursad u
helin, koox soo celiso dalkooda iyo dadkooda oo xor u ah
in ay is-maamulaan ,.kooxdaas ha ahaato mid la wada
raacsan yahay ama la diidan yahayba.
Milis Sanaawi maxaa ku
qasbay in uu ku abaalfuro ummadda Soomaaliyeed oo iyada
sabab u ah in ay gaarsiiso kursiga uu maanta ku fadhiyo,
jawaabta su'aashan ,ma'ahan mid meel fog laga doonayo,
waayo nacaybka uu isaga u qabo Soomaalida waa mid soo
jireen ah oo ay la qabaan siyaasiyiin badan oo
Itoobiyaan ah , oo hubo ummadda Soomaaliyeed in aynan
marnaba si sahala uga hareyn dhulka ka maqan. Sidaa
darteed wuxuu ogyahay in uunan ku dhiiran Karin ka
hor-imaadka dowlad Soomaaliyeed oo dadkeeda ku dhisan,
kol haddii uunan gacan ku yeelanayn maamul ka arrrimiyo
dalka soomaaliya ,dhicidi Maxamed Siyaad keddib(allah ha
u naxariistee) ,haddii uunan taa yeelinna wuxuu qabaa,
kuna jiifaa in xukuumadiisa dhicideeda laga soo
abaabulayo magaalada Muqdisho..
Markaan u soo noqdo yoolka
maqalkan, waa waajib na saaran in aan isku baraarujino
difaacida dalkeena, annaga oo arrinta ka fiirineyno
xaalada taagan ,meelna iska dhigayno si ku meel gaar ah
khilaafaadka ku salaysan qaabka uu ahaanayo xukunka
waddankeena, yaa xukumayo iyo hadalada ah, maxaakimta
waxaa ku jiro dad xun, mana gayaan xukunka Soomaaliya
iyo hogaankooda waa mid quman ee ha la taageeraa si
looga mira dhaliyo kacdoonki Muqdisho . dhinaca kale
marnaba ma'ahan in aan garab istaagno ruux walba oo ka
soo dhinac dagaalo askarta Milis-Sanaawi, cidday doonto
ha ahaatee ,cudurdaarkay doontana ha la timaadee.
Sideen diinteena ugu
dheganaana waa mid sahlan, waana ku tilaabsashada
qaadashada Kitaabka Ilaahey iyo waddadi uu noo jeexay
Rasuulkeena Moxamed NKHA.
Sideen ugu shukrinaa
Ilaheey nabada uu na siiyay, waa annaga oo hal gacan
ahaano, khilaafaadkana meel iska dhigno ,daacadna u
ahaano hogaamiyihi nagu horkaco in aan wax ku qaybsano
shareecada Ilaahey noo soo dejiyay.
Cadowgeenana waa ka
adkaanaynaa haddii aan yeelno labada hore ,waana hubaal
taa, waayo Ilaahey wuxuu noo sheegay ruuxi guul siiyo
Ilaaheey, in uu isgana guul siinayo.
Munaafiqiinta sideen isaga
qabanaa waxay ku jeedaa madaxda Maxaakiimta oo iyaga
hormood ka ah dagaalka diinteena iyo dalkeena looga
difaacayo dowladda Tikree iyo daba dhilifyadeeda iyo cid
walbo oo gadaashooda ku timaado waqtigan xaadirkaa.
Madaxda Maxaakimta waxaan
ka codsanaynaa in ay yeeshaan hogaan cad ee dhabarka u
dhigan karo wixi khalad ah ee ka dhaco maamulkooda,
waxaan ka codsnaynaa in ay xadidaan awoodiisa inta ay ku
ektahay hogaamiya walbo ee madax ka ah, ama xubin ka ah
isutagga maxaakimta Soomaaliyeed, si uu u yaraado
wararka la iska dhinac dhaho ee is-khilaafsan. Waa in ay
joojiyaan ka hadlida siyaasado khatar gelin karo xaalada
cakiran ee Soomaaliya ka taagan maanta. Waa in aynan ku
dhawaaqin go'aano aynan daraaso ku samayn faa'iidada iyo
khasaarada ay ummadda leeyihiin waqtigan xaadirkaa.
Dhamaan ummadda
soomaaliyeed ee dalkooda iyo dadkooda jecel ,waxaan
fariintan kaga codsanayaa in ay u istaagaan difaacida
diintooda, dadkooda iyo dalkooda ,iyo in ay meel uga soo
wada jeestaan cadawgooda oo beryahan diyaar-garow adag
ugu jiro sidi uu nooga qaadi lahaa neecawda Xoriyo ee
Muqdisho ka soo carfayso maalmahan.
Xabashi marnaba maankeeda
kuma jirin in ay beryahan Soomaali ka soo bixi karaan
rag (Sida Shikh Shariif
Shikh Axmed)
umaadooda ku hogaamin karo wadadi ay ku gaari lahaayeen
xoriyad dhamaystirin, oo ay sideedaba maanta gaaban
tahay dowladaha caalamka saddaxaad dowlad haysato.
Jihaadka waa fara badan
yahay ee yaanan loo kala harin ka qayb qaadashadiisa ,dhinaca
kalana yaanan looga harin, hebel oo xun ka dhinac
dagaalimayno, ogow nin xun kuma sii dhax jiri karo dad
san ee meel ka soo wada jeedo.
Guusha waa innagga ,jabkana
waa xabashi,waa munaafaq iyo inti la socotaba ilaahey
idinkiis.
Abadllah Moallim
Mahamud