UNIVERSAL TV IYO DAGAALKA DAHSOON AY WADO.
Ra'yi
 Jul 06/2008
 
DAGAALKA DAAHSOON EE UNIVERSAL TV.

Xurriyada saxaafada waa mid xag ah oo aan si buxda u taageersanahay waayo waxaan aaminsanahay in saxaafada ay ka mid tahay tiirarka waaweyn ee sistemka dimokratiga ku dhisan iyo xurriyada shaqsiga Soomaaliyeed isagoo ilaalinayo in uu ku xad gudbin xurriyada ama uusan wax u dhibin sharafta iyo kiraamada shaqsiyaadka kale.
                                          
                              " LIBERTà DI PAROLA E DI ESPRESSIONE."

dhoowr jeer ayaan garab istaagnay xadgudubyo loo geystay suxuufiyiin Soomaaliyeed, anagoo aaminsan in suxuufiyiintaasi ay gudanayeen waajibaadkooda iyo howlaha ay bulshada Soomaaliyeed u hayeen.

inkastoo aan la soconay in aqoontooda iyo tababarkooda xagga suxuufinimada ay aad u liidato haseyeeshee waxaan aaminsaneyn in waaya'aragnimada ay kaga kororsanaayaan howsha suxuufinimada ay gaarsiinayso heer ay dusha saartaan waajibaabtka dhabta ah ay leeyihiin suxuufiyiinta.

Nasiib darro taa ma ayna dhicin,ururka suxuufiyiintana kuma uusan dadaalin in uu waajib iska saaro qaladaadka tirada badan ay had iyo jeer galayaan suxufiyiinta Soomaaliyeed iyo sida galdan ay wararka u soo tabiyaan ama xiriirka aan qarsooneen ay qaarkood la leeyihiin shaqsiyaad la xaqiijiyay in ay ka mas'uulyihiin abaabulinta dagaalada ka socda caasimada Soomaaliya.

Haddaba hadii suxufinimada ay qaar ka tirsan suxufiyiinta Soomaaliyeed u wajahayn hab qabiil ama toleed taasi waxay dhaawac xooggan u gaysaneysaa suxuufiyiinta kale oo xaqiiqdii si dhab ah u soo tabiyo wararka
waqtigaan xasaasiga uu qaranka ku jira iyagoo isla markaana ka fogaanayo arimo qabiil iyo wax yaalo la mid ah.

Sida aan u aragno suxuufiyiintan dambe ayee waajib ku tahay in ay ka horyimaadaan camalxumada iyo shaqa xumada ay u horseedayaan suxuufiyiintaan qabiilka dugsanayo,waxay waajib kale ay ku tahay in Ururka suxufiyiinta Soomaaliyeed oo tilaabo ka qaado suxuufiyiintan oo camalxumada wado una soo jiidayo Ururka magac xumo iyo sharaf darro.

Qaar ka mid ah suxufiyiinta Universal TV ama kuwa joogo London ama kuwa wararka ka soo tabiyo caasimada Soomaaliya in ay yihiin kuwa safka hore ugu jira dagaalka qabiilka dugsanayo, in ay yihiin kuwa u ololeynayo in dhiiga shacabka Soomaaliyeed sii qulqulo, in ay yihiin kuwa sii kala fogeynayo walaaltinimada soomaaliyeed, in ay yihiin kuwa sii xoojinayo colaada Shacabka Soomaaliyeed, Universal tv waxay maanta ka mid tahay xogagga dagaalka kula jira DFKAH iyo Maamulka Gobolka Banaadir.

Waa nasiib darro in milkiilaha ing. Axmed oo runtii u muuqdo in uu yahay nin daacad ah ku howlan arimahiisa ganacsiyeed, waatii hadda ka hor uu yiri Telefishinkaan waa mid ganacsi ah haddana ka indha xiran dagaalka
laga abaabuliyo telefishinkiisa.

Waxaanu rajeyneynaa in ing.uu indhaha kala furo iskana fogeeyo suxuufiyiintaas camalka xun.Camal xumada iyo dambiyada ay ka mas'uul yihiin suxuufiyiintas waxaa xambaarsanayo Maamulka Universal tv.

Waxaa la yaab leh in rag si cadaan ah dagaal kula jiro DFKAH iyo Maamulka Gobolka Banaadir sida BACADLE iyo rag kale ay ka mid yihiin guddiga oo Universl tv u xil saaray gargaarka loo dirayo shacabka Soomaaliyeed ku dhibaateysan zoonka ceelasha,haddaba Bacadle iyo ragga kale qarkood waa kuwa xilligii GEN.CAYDIID Allaha u naxariistee hurinayay dagaalada sokeeye gaar ahaan dagaaladii caasimada,waa ninkii u gabyi jiray beesha uu ka soo jeedo si shacabka kale ee Soomaaliyeed dumar,caruur iyo waayeel loo laayo, waa ninkii hadii xusuusta ay wali inugu hartay taageero buuxdo siinayay kuwa dagaalka xamar ka wada oo dhiiga shacabka xalaashaday,soo maaha ninkii xabsiga loo taxaabay isago lagu eedeyay in uu ku lug leeyahay dagaalada foosha xun ee ka socda caasimada.

Haddaba miyeesan shaki dhalineynin, sida runta ahna inoola soo tabiyay, in lacagtaani dibadda laga dirayo  loo isticmaalo dagaalka lagula jiro DFKAH iyo Maamulka Gobolka Banaadir in lacagtaani loo isticmaalo dilalka qorsheysan loo geysanayo shaqaalaha MGB iyo shaqsiyaadka caanka ka ah caasimada.

Haddaba qoraalkaani waxaan rabnaa in aan u muujino DFKAH iyo MGB anagoo og in xuukuumadahaasi  ay la socdaan dagaalka ay Universal tv ka wado caasimada Xamar marna suxuufiyiintooda ololiyaan dagaalka iyo xasloonidarada ka jirta Caasimada marna qarash ku bixiso dagaalka iyo dilalka qorsheysan ka socda Caasimada iyadoo isticmaaleyso lacagaha dibadda laga dirayo laguna qarinayoo in ay yihiin lacag gargaar ah.

Haddaba waxaan ka codsaneynaa DFKAH iyo MGB in ay tilaabo ka qaadaan arimahaan aanu kor ku xusnay ay Universal tv ka mas'uultahay midda kale waa in la xaqiijiyaaa isticmaalka lacahaan dibadda ka imaanayo.

MGB wuxuu xag u leeyahay in uu qaado tilaabada uu u arko midda ku haboon,wuxuu xag u leeyahay in uu hir galiyo sharcigii uu Barlabaanka DFKAH soo ansaxay xilligii Ra'iisulwasaare Prof.Geedi ku saabsanaa la dagaalanka shaqsiyaadka taageero,taakuleeyo,ka qaybgalo dagaalada lagu haayo DFKAH. 
 

Welcome to Calayaale Page
Sign  kuqor wixii Ra'yigaaga ah
Name
E-mail address
Homepage URL
Comments
 

Read Akhriso

Webmaster@calayaale.com Tafatiraha wararka caalamka iyo  soomaliya Calayaale Media Center calayaal@yahoo.de kalasoo xiriir

_________________________________________________________