Maansadan waxay Dhexmaraysaa Hogaamiye Kooxeedkii Shalay iyo Hogaamiye Diimeedka Maanta
Ra'yi
 June01/2009
 

Maansadii Hogaan Lumay  Qaybtii koowaad

 

Waxaan maansadan igu dhaliyay markaay arkeen dhamaan bulshada soomaaliyeed  hogaanxumada iyo hanaanyarida siyaasadeed ee gobolada koonfureed ee uu mid weliba u horseeday shacabka soomaaliyeed dhibaato . qaxa iyo rafaadka  iyo colaadaha aan kal joogsi lahayn , ayaa waxaa manta isbarbardhig miisaaman  ku samaynaynaa keebaa khasaare iyo dhibaato badan hogaamiyayaasha kooxaha ee mudada dheer  rafaadiyay shacabka gobolada koonfureed iyo hogaamiyayaasha diinta ee manta hawsha iyo holaca colaadaha ka wada dalka gaar ahaan gobolada koonfureed .qof walba oo shacaba way u taala jawaabteedu weliba waxaan jeclaan lahaa in suugaan ahaan looga soo jawaabo maansadan

Waa maanso ay is waydaarsanayaan  hogaamiye kooxeedyadii hore iyo hogaamiye

diimeedyada  ayaa  dhaafsanayaa dood ay qolo weliba inay igu saxan yihiin ku muujinayso oo qolada kale ka daran tahay iyaguna ku haboon yihiin hogaanka

Qolo welibana fekerkeeda ayay dhiibanaysaa bal waa inaan dhuuxnaa maansadan

Hogaan lumay,

 

Hogaamiye diimeed

 

Nin halyeey ahaaba

Ileen heelo tiriyoo

Hees abaari karayee

Horta may taqaanaan

Hogaankii islaamkiyo

Horjoogaheena diintee

Habsamaan xuquuqdiyo

U yaqaan haanaankaba

Inaan ahay hubaashii

Hayeeshee waxaa jira

Kuwa hadafka tuugtii

Hogaamiyihii kooxaha

Haykalkoodii kale

Hada doonayee garo

Shacabyahaw hurdaayaa

Horta miyaad ilowdeen

Dadyaw horumarkeenii

Hadafkii maxkamadaha

Iyo hawlkarnimadii

Iyo hiilkii aan galay

 

Hogaamiye kooxeed

 

Aan hanaansho suugaan

Aan habeeyo geeraar

Aan holado murtida hadal

Aan higaadsho erayada

Hal abuurka waaweyn

Hoorsho nuxurka maansada

Hadaanse hoos usoo dego

Hadafka iyo ujeedada

Hadalkayga  kala dhigo

Hogaamiyihii kooxaha

Hormuudkoodii baan ahay

Hada waad ogaydeen

Hal wiil oo la dila iyo

Hanti yaroo la boobiyo

Halahoo isbaara ah

Ayaad nagu huruufteen

Dadyahaw nagu habaarteen

Balse waad hesheenoo

Hogaamiyaha diimeed

Haatan waad ujeedaan

Hilibkiina yaa cunay

Hanbadiina yaa liqay

Habraha iyo islaamii

Hooyadii wacnaydee

Aan hore u qixi jirin

Hada yaa banaankiyo

Haleelaha ku daadshoo

Ku hardimaya meeshii

Horta waa su,aaloo

Dadka waan hor dhigaya

Hogaamiyeha kooxdiyo

Hogaamiyeha diimeed

Keebaa halaaga badan?

 

Hogaamiye diimeed

 

Hogaankeenii diintiyo

Horseedkii islaamkiyo

Hormuudkiina baan ahay

Umadyahay hurdaysaa

Horta miyaad ilowdeen

Hawlihii maxkamadaha

Habkii nabada loo helay

Dadkuna uu u horumaray

Sawtay  halgaadeen

Gaaladu na heereen

Cadaw nagu  habsadayee

Kala haadku nagu dhacay

Hadana waxaan ujoogaa

Haybadiina weeyaan

Horukaca dalkeeniyo

Hanaankiisa weeyaan

Hada dowladnimada

Horta waad ogtiinoo

Haddii laysku soo daro

Heeraarka soo tuban

Raga ugu habôonee

Ku hagaagsan baan nahay

Haatan kooxda joogta

Halis weeye shacaboow

Hadafkii maxkamadaha

Horta way ka leexdeen

Hoos wax loogu sheegiyo

Hawl kalay u joogaan

Haybtii aad taqaaneen

Hilinkii maxkamadaha

Haykalkaad ogaydeen

Hada way ka weecdeen

Qolyo kaley la haystaan

Hogaamiyaha kooxdana

Nimankii halaajee

Ka huleela yidhiyee

Ham ka siiyay baan ahay

Haka nixine dirirtiyo

Madaafiicda howle iyo

Hoobiyaha dadkaygoow

Halgankii janada iyo

Hadafkeenii weeyaan

 

Hogaamiye kooxeed

 

Habaar kugu dhac wiilow

Hadaad maqashay weligaa

Halkaad joogto weeyaan

Hogaan xumo daraadeed

Iyo horumar yaridaaa

Adigoo heshiis iyo

Heli kara samaantaad

Xumaha u haliishaa

Adigoo hanbada iyo

Inta shacabka soo hadhay

Hakin kara dhibtoodaad

Halaaga u horseedaye

Hada dirirtu waa holac

Halyeey baa yaqaanoo

Hawl yar maaha sheekhow

Adoon hurin colaad baad

Hogaan fiican noqonlayd

Adigoo halyeeyada

Hanadada inoo kacay

Habsamaan aqooniyo

Hanaankii islaamkiyo

U horseeda diintoo

Hadaf xumo ka dhawraad

Hogaan fiican noqanlayd

Hayeeshee dadweynaha

Haatan aad dilaysee

Kuu heelan welibaa

Iyaguna habaaskiyo

Haraadka iyo diiftiyo

Hoy li,ida jeceliyo

Haadaan ku dhacayoo

Belaayada horkacayee

Hadal haan ma buuxshee

Hoga kama danbaysta

Horta waa su,aaloo

Dadka waan hor dhigaya

Hogaamiyahan diintiyo

Hogaamiyaha kooxeed

Kee halis ah shacabow

Keebaa hanbadii jaray

Kee hoy la,aaniyo

Holaciyo colaadaha

Hada wada dadkaygoow

kee baa halaag badan?

 

 

Fiiro Gaara:- maansadana maaha mid taageeraysa  qolo gaara weeraraysana qolo gaara

Waxaan hal abuurkayga ku cabiray  dhibaatada kooxeed ay bulshada ku hayeen waqtigii hore  waqtiga hada la joogo . maansaduna way socotaa waxaan inshalaah soo saari doonaa qaybo kale oo ka mida ah maansada Hogaan Lumay

 

Waa Qalinkii

Cabdiraxiin Hilowle Galayr

abdirihiin1@hotmail.com 



 

 

Welcome to Calayaale Page
Sign  kuqor wixii Ra'yigaaga ah
Name
E-mail address
Homepage URL
Comments
 

Read Akhriso

Webmaster@calayaale.com Tafatiraha wararka caalamka iyo  soomaliya Calayaale Media Center calayaal@yahoo.de kalasoo xiriir

_________________________________________________________