LABADA GARAB EE ISBAHEYSIGA DIB UXOREYNTA, MIDNA WAA GUMEYSI- DIID, MIDNA WAA GUMEYSI- DOON
Ra'yi
 Jul 14/2008
 
Garabka dhowaan wadanka Jabuuti  ku saxiixay heshiiskii, aay goob joogga ka ahaayeen wakiilka Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaliya iyo beesha caalamka waa  garab dhex-dhexaad  ah ( modern), laakin waxaa ka go'an inaay geed dheer iyo geed gaaban u koraan sidii Ciidamada  gumeysiga Itoobiye oo aan rabitaanka shacabka Soomaliyeed ku joogin gudaha Soomaliya,  sidii xabad amba xeelad   wadanka looga saari lahay Ciidamada Itoobiya.
 
Sida laga soo xigtay mas'uul sare ee ka mid ah garabkaan heshiiska Jabuuti ku saxiixay, wuxuu shaagey inaay dhowr sano soo wadeen Xabad, haddana aay si wedi doonaan haddii la fulin waayo wixii lagu heshiiyay, balse aay fursad siinaayaan wakiilka Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaliya iyo beesha caalamka haddii la fulinaayo wixii lawada saxiixay?.
 
Mas'uul-kaan wuxuu dhowr jeer ku cel celiyay in uu hadafkoodu yahay inaay Ciidamada Itoobiya wadanka ka saaraan, ka dibna Soomaliya loo dhiso Dawlad loo dhan yahay oo shacabka Soomaliyeed raali ka  wada yahay oo aan ku dhisnayn  yaa qab-qable dagaal ah amba qaba qoryo waa weyn, kana duwnaa doonta Dawladda hadda  ka jirta Wadanka  ee uu hogaamiyo  Madaxweyne. Abdullahi Yusuf  ee lagu soo uunkay  wadanka Kenya dhammaadkii sannadkii 2004kii.
 
Garabka labaad (2) si xoog leh ayuu uga soo horjeeda heshiiska Jabuuti, waayoo waa garab mayal adag ( extremist) kuna saleysan Qabiil isku xiran Alif ilaa Ya ( a to z ) meelkasta ee aay adduunka ka kala joogaan oo aay hayso hanweyninkii ( Hitler), waxaa wehliya tobaneeyo qofood oo isugu jira qaar aan  xitaa tegi karan deegaanada aay ka soo jeedaan iyo qaar xilal ka waayay Dawladdaan uu hogaamiyo Madaxweyne.  Abdullahi Yuusuf.
 
 
Garabkaan mayaylka adag wuxuu talo iyo dhaqaale fara badan ka helaa ururro Diimeedyo  heer caalami ah  oo aad u neceb Dawladdaha  reer galbeedka ah gaar ahaan Mareykanka.
 
Dad badan ayaa aad u aaminsan garabkaan heshiis-diidka ah, lacagta faraha badan ee aay ka helaan ururo diimeedyada in lagu qal qaliyo Soomaliya oo dhan gaar ahaan caasimada Soomaliya ee Muqdishu, Baydhabo, Baladweyne iyo Puntland oo aay ka dhacaan dilal qorsheysan oo lala beegsado wax ku ool-ka  bulshada Soomaliyeed qeybaheeda kala duwan.
 
Waxaa aad loogu qoslaa marka xubno sar sare ee ka tirsan garabkaan nabad-diidka ah ay qalabka warbaahinta ka yiraahdan " kuwa heshiiska Jabuuti saxiixay ha towbadkeenaano", towbadkeenku wuxuu waajib ku yahay qofkasta ee Muslim ah, balse mid gaar ah wuxuu ku waajibey garabka reer nabad-diid, waayoo waxaa lawada xusustaa sidii aay Masaakiinta u geli jireen xiligii aay reer nabad-diid ka talinaayeen gobalka Sh/hoose iyo qeybo ka tirsanaay Jubooyinka, tacadiyadii faraha badnaay ee aay  ku sameeyeen masaakiintii aay ku soo duuleen deegaanadooda sida: Biyaha Webiga oo laga iibiyay, beerahoodii oo laga xoogey misana qasab loogu faley ee daroogo lagu beerey iyo Shacabkii Soomaliyeed ee loo istaagay labada (2) Laami ee laga galo loogana baxo caasimada Soomaliya ee Muqdishu.
 
Hadafka reer nabad-diid waa haddii aay baxaan Ciidamada gumeysiga ee Itoobiya in aay iyagu bedelaan Ciidamada cadawga ee aay talada Dalka xoog ku qabsadaan, dabadeedna aay wadanka ku wareejiyaan ururro diimeedyo caalami ah gaar ahaan kuwa colaada ba'an kala dhexeyso reer galbeedka, si aay Soomaliya u noqoto meel aay ku hardamaan reer galbeedka iyo ururo diimeedyada caalamiga ah sida. Afghanistan iyo Iraq.
 
Soomaliyey, arrintu sow uma eka ninkii yiri " adduun la joogo lama haayo, aakhiro lagu ordana lama sheegeynin", qof Soomali ah oo damiir leh ma oran karo Itoobiya hanoo joogto dalkeyna hooyo, sidoo kale leesuma dhiibi karo reer biyo Webi masaakiin ka iibiyayaashii.

 
 
Warsaameyusuf@hotmail.com
 
Welcome to Calayaale Page
Sign  kuqor wixii Ra'yigaaga ah
Name
E-mail address
Homepage URL
Comments
 

Read Akhriso

Webmaster@calayaale.com Tafatiraha wararka caalamka iyo  soomaliya Calayaale Media Center calayaal@yahoo.de kalasoo xiriir

_________________________________________________________