Maquuste waxaa
weli u xiran gudoomiyihii maxkamada sare ee dowlada
federaalka,walow dastuurka uu dhigayo in aanan qofka
muwaadinka uusan xirnaan karin 24 saacadood wax ka
badan,weli cid ka hadleeysa ma jirto xitaa
r/wasaaraha cusub n.cade oo ah nin ka soo shaqeeyay
maxkamadaha ahaana xeer ilaaliyihii guud ee
dowladadii militeriga,runtii waa arin aad looga
xumaado in muwaadiniinta somalida ah xiligan qaar la
geeyo Ethiopia qaarna Maquuste uu ku haysto
xabsiyada Bay iyo xamar,sharaftii N:Cade halkas
ayeey ku dhamaatay waayo waxaa uu ahaa ahlul
digrigii mudnaa in uu wax ka qabto arinkaa,Maquuste
waxaa taladiisii guracaneed diiday in ka badan 70
xildhibaan oo ahaa bud.dhigayashii dastuurka
federaalka ee xiligaan Maquuste uu ku joogo,ilaa iyo
hada waxaa la hayaa in ka badan 30% xildhiban in eey
ku sugan yihiin dalka Eritereia magaladiisa
Asmara,waxaa uu dalka ka eryay gudoomiyihiin ugu
horeeyay ee baarlamaanka oo asna ku sugan magaalada
Asmara shariif sheekh Aadan ,Maquuste waxaa uu
daadka ku daray r/wasarihiii uu soo magacabay Geedi
markii uu ku gaaray ujeedadii uu ka lahaa ee aheeyd
in xamar la geeyo ciidamada Ethiopia ,Maquuste waxaa
uu xasuuq ka geeystay Muqdisho welina uu ka wado
asaga oo aanan u aabo yeelin shacabka reer
Muqdisho,sida oo kale waxaa uu hore u soo xasuuqay
gobolada Puntland sida magaalooyinka Qardho,Boosaaso
iyo kuwo faro badan oo uu ku xasuuqay in ka badan
100,.000 oo dhalinyaro ah,waxaa uu dagaal kula jiray
xoogagii qabsaday Kismayo asaga jeclaa xaqiiqdii in
Moorgan mar uun gacanta ku soo dhigo gobolada
jubooyinka,Maquuste waxaa uu si bareer ah ugu
xasuuqay garoonka Bay dhalinyao reer Bay ah asaga oo
ku sii jeeda dalka Ethiopia,xiligas waxaa la
xaqiijiyay in uu meeydadka dhalinyaradaa uu ka
talaabsaday raacayne diyaradii Ethiopia,waana
xiligii ugu horeeysay ee uu Baydhaba ka dhigto
xarunta dowlada Imbigati,Maquuste waxaa uu hada
abaabulaya dagaal sidii gobolada ku abtirsada
Hartiga looga xoreyn lahaa somaliland,hadaba
akhristow Maquuste sow kansar somalia lama
dhihi karo oo sow ma qumana in umada soomaliyeed eey
iska qabto iyada oo aan loo kala harin.
Ethiopia ninka dalka keenay sow Maquuste
maaha,sow muu ka cadeeyn London xiligii uu booqashada ku yimid,sow kuma uusan
faanin in asga yahay ninka keenay Ethiopia dalka somaliya,sow asaga maahin
ninkii ugu horeeyay ee diida dowladii ugu xooga badneeyd ee geeska afrika in eey
sii taagnaato,sow weli kuma uu faano aniga ayaa xabadii ugu horeeysay qaatay
iwm hadaba sidee ayuu xiligaan u dhihi karaa waxaa jira kuwa dowlad diid ah,sow
dowlad diidnimo asaga uguma uusan horeeyn,intaas oo dhan waxaan u soo qatay in
umada soomaliyeed ey ogaadaan in Maquuste yahay ninka somali hortaagan jecelna
in dalka somalia la hoos geeyo Ethiopia si awooda dalka eey u noqoto Maquuste
gacantiisa oo kaliya lagu maamulo.
Somalida waxaa eey dhahdaa:nin
waalan tolkiis baa u miir qaba
waxaadse moodaa in tolkiis eey ku dhiira
gelinayaan qaladka iyo gumadka uu dalka ka wado Maquuste,waxaa weli aanan la
hayn ka damqashada dhibka ka taagan caasimada dalka somalia ee muqdisho cid ka
hadashay oo tolkiis ah sida isamadii,garadyadii,siyaasiyiintii iwm kama eeyan
hadal waxa uu Maquuste ka wado koonfurta somalia, akhristow sow ma aragtid in
eey qilaafeen xadiiskii rasuukeena maxamed (SCW) ee ahaa haddii uu wallaalkaa
gar leeyahay xitaa xaqa u sheeg oo gacanta ka qabo si uu dulmi ugu dhicin,haddii
uu gardaran yahayne gacanta ka qabo oo u sheeg xaqa waxa uu yahay.
Waxaa socda talaabadii labaad ee lagu
qabsan lahaa somalia,halkee lagu arkay baarlamaan ku mel gaar ah in uu ka mid
noqdo baarlamaanka la magac baxay IGDA ama midka carabta,waxaan shaki ku jirin
in kuwa xiligaan xubnaha ka ah baarlamaanka federaalka in eeyan aheeyn kuwa
shacabka ka yimid balse eey yihiin kuwo la soo xushay eeyna soo xusheen dagaal
oogayaashii umada somaliyeed danbiga ka galay,Baarlamaanadka IGAD kuwa ka socdaa
waxaa soo xushay shacabkooda waxeeyna ma talaan shacabka dalwalba uu ka
yimid,waxaa suáashu eey tahay qaraarka uu gaaro baarlamaanka IGAD sow kama xoog
badna midka dowlada federaalka ee ku meel garka ah gaaro,dabcan aad iyo aad ayuu
ugu xoog badan yahay,haddii shacabka somaliya baarlamaankiisa uu ka mid
noqonaayo midka IGAD waxaa waajib ah in horta la helo baarlamaan shacabka soo
doortay umadana waxaa quman in laga qaado codeeyn afti sida xiligaan aan ka
arkeeno ama eey ka socoto dowladaha yurub marka eey ka mid noqonaayaan
barlamaanka EU,waxaas oo dhan waxaa aabe u ah Maquuste iyo Zenawi oo wada
qorshaha fog ee dalka somalia uu kula midowayo dowlada Ethiopia Maquustene uu
ka noqon doono m/kilinka 6 aad ee Ethiopia.
N:Cade maxuu ka bedeli karaa Maquuste
xaqiiqdii waa waxba,cid kastaa og in maanta N:Cade uu gashaday
shaarkii dhiig
ka da-ayo oo aan cidna qaadan karin,tasi waxaa sabbabay markii eey ku
fashilmeen siyaasada guracan ee Maquuste & Zanawi iyo kuwa wax ma garadka ah ee
daba jooga in eey xiligaan u maleegaan oday sharf ku dhex lahaa dalka iyo dadka
somalia in loo geliyo shaar wasaq ah,waxaana uu ku shaqeeynayaa rabitaanka
Maquuste,g/wasiirada ee uu hada soo magacaabay waxaa soo magacaabay Maquuste cid
eey ka qarsoon yahay ma jirto,weli howsha waxaa eey u socotaa sidii uu Maquuste
& Zanawi eey ugu talo galeen,Cade Muse waxaa uu hada kashifay in Geedi uu ahaa
shaqsiga hortagan maafiyada Majeerteen balse N:Cade uu yahay nin taariikhda
reerka waligiis la soo shaqeeyn jiray hadana uu ku yimid rabitaanka reerka Alow
Sahal umuuraha.
Gumaadka somaliada
waxaa xilkeeda qadi doona:
1)
international
collaboration.UN-ka iyo hayadahiisa sida UNDP iwm Taageeradii eey siisay
kooxda Imbagaati jawaabteeda waxaa eey noqontay gumaad iyo xasuuq iyo baaba,iyo
barakac.
2)
Contact Grupp ( Swden,USA,Norwey,Tanzania,Italiya, iwm)
Waxaa eey
weli wadaan hagardaamada iyo dulmiga eey ku taageerayaan Maquuste iyo Zanawi si
somalia eeyan waligeed u istaagin.kumana shaqeeyaan xeerarka dastuurka UN-ka
waxaa eey jibiyeen qaraarkii UN-ka 1725 ee ahaa in dalka somalia eeyan tagi
karin ciidamada safka hore,
3) Ethiopia.( Zanawi ) waxaa eey
jibisay xeerarkii UN-ka (Interanaltional
low) waxaana eey geeysatay xasuuq,gumaad dadlka iyo dadka
somalia
4) Somali Imbigaati (
Maquuste ) Waxaa uu bilaabay gumaadka 1978 ilaa iyo 2007 waxaa uu ku dhex
jiraa gumaad,Muqdisho Bosaaso,Qardho,Kismanyo,Growe,Galkacayo.Bay,Xudur
Hiiran,iyo kuwo faro badan.
Dr.Ali.A.Hirabe
Hirabe_a@hotmail.com