MUDANE NUURCADDE DHUL NINKIISII BAA LEH!

 
By:ganey snow [mailto:toxobow@hotmail.com]
Ra'yi
Jun 03 2008

Anigu marka hore diidi maayo mana dhafi karo dadaalada faraha badan  ee aad har iyo habeen isku

mashquulisay in ummada somaliyeed oo ku dhawaad rubuc qarni loo diiday xasilooni iyo kala

danbeeyn eey ka baxdo dhibaatada  eey leedahay xasilooni la`aanta(INSECURITY) iyo dowlad

la`aanta(ANARCHY) oo ay yeelato nidaam dowladeed oo federaali ah  (FEDERAL STATE

SYSTEM).

 

24 November,2007 waxaa laguu dooraty raysulwasaaraha DFKG waxaadna shacabka somaliyeed ka heshay taageero aan loo kala harin ka dib markii aad ku dhawaaqday in dowladaada ey tahay mid dib u heshiisiineed iyo mid dhoorta nidaamka federaaliga ah oo uu dalka yeelanayo.

 

Mogadishu waa caasimada somaliya cid kasta xaq bey u leedahay in ey ku noolaato isla markaana u sheegato Magaalo madax ahaan balse degaan ahaan beel  baa lagu yaqaan in eey XUNDHURTEEDA KU DUUGANTAHAY.

 

GOBOLKA BANADIR WAXA UU Gograafi ahaan(geoghraphically) dhacaa koonfurta somaliyeed wuxuuna ku dhexyaale dhulka mudulood degaan ahaan u leeyahay(traditional mudulood land) oo ka soo bilaawda xeebta CEELDHEERE ilaa BARAAWE.

 

Balse,arinta laysku heysto ayaa salkeedu yahay GOLAHA DEGAANKA EE GOBOLKA  BANADIR OO EEY BEESHAADU  DEGTO YEELANAYO.

 

JAALE NUUR CADDE ma garan GOLAHA BAAS ee aad u bixisay GOLAHA DEGAANKA GOBOLKA BANADIR oo aad naga dabo wado ujeedada aad ka leedahay iyo waxa uu yahay intaba.

 

Gobolka banadir  hadii maamul loo sameeynayo waxaa wax laga waydiin DADKA degaan ahaan u leh ee waxba laga weydiin maayo nin marti ku ah gobolka (MARTI WAA LOO TALIYAA EE MATALISO).

 

JAALE nuur cadde MUDULOOD iska dhaafe JUFADA HOOSE EE CELI CUMAR EE DEGTA SHABEELADA HOOSE,BANADIR,IYO WARSHEEKH oo aad ka soo jeedo ayaanba kaa yeeleeynin in aad na Marsiiso wixii aan 20 sano diidaneen oo ahaa in degaankeenii nala la sheegto oo markaas kadibna ubadkeenii loogu taliyo dhulka awoowayaashood.

 

JAALE NUUR CADDE ogow in kumanaan loo dilay maxaad u degtiin gobolka banadir kuwaas oo iskugu jira AQOONYAHANO,GENERAALO,DHAQAATIIR IYO GANACSATO KA SOO JEEDA GOBOLKA BANADIR.

 

JAALE NUUR CADDE WAAD OGTAHAY MEESHA EEY SARTU KA QURUNSANTAHAY EE GOLAHA DEGAANKA EE UU GOBOLKU YEELANAYO OO  aad sheegtay haduu yahay mid la doonayo in xaqeenii nala gu duudsiiyo ogow in aan diidnay  (ninka in uu na duudsiiyo rabow diidnaye ogow).

 

BALSE haduu yahay mid aan ku xaqiijineeyno oo aan ku gaareyno XAQA AANU U LEENAHAY IN AAN sameeysano MAAMUL-GOBOLEED ka arimiya daganadayada waanu soo dhaweyn waliba si Hagar la`aan baanu u taagri haduu alle idlo.

 

JAALE NUUR CADDE  somalidu waxey tiraahdaa

 

ALLAA WEYN NINKII AAMINAA AWOOD LEH,

 

UMAD WALIBA AAYAHEEDA INAY GARATO IYADAA LEH

 

Kol hadduu is yidhi u dhimo

Dhul ninkiisii baa iska leh

 
 
 

_________________________________________________________