Alshabaab Xal Umadda Somaliyeed Ma u hayaan?
Marka hore waxaa mahad leh allehii ina abuuray isla markaana nagu galadeestay caqli aanu ku kala saarno xumaanta iyo samaanta,intaas kadib.
Markii aad eegto xaalada wadankeenu marayo waxaa kuu soo baxaya in arintu tahay mashruucii faanoole fari kama qodna waayo wuxuu ruux waliba si buuxda u dareemi karaa in si loo jahwareeriyo umada somaliyeey markasta loo soo gishto shaar cusub ha ahaado shaar cilmaani,qabali iyo mid diimeedba!.
Dowladii uu marxuum maxamed siyaad barre madaxweyne ka ahaa waxaa afka ciida loogu daray ayadoo la adeegsanayo ururo shaar qabiil huwan oo ey ugu tunweynaayeen USC,SSDF,iyo SNM.
Inkastoo aanan rabin inaan ka hadlo ururadaas maadaama lawa ogsoonyahay hadafkii loo aasaasay iyo meesha ay ku biyo shubteenba,balse waxaan doonayaa inaan wax yar ka iraahdo ururada la aasaasay wixii ka danbeeyay maalintii mudane cabdilaahi yusuf ahmed loo doortay inuu noqdo madaxweynaha dowlada kumeel gaarka ee fedaraaliga ah.
Madaxweyne Cabdilaahi Yusuf iyo Xukuumadii uu Raysul Wasaare ka ahaa Proff. Dr.Cali Maxamed Geedi waxey geed dheer iyo mid gaaban ba u fuuleen in umada somaliyeed ee ku dhawaad 20 sano aan arag wax dowlad iyo kala danbeyn la yiraahdo isla markaana dhib u dhac dhinac kasta ah ku habsaday eey hesho dowlad dimograadhi ah oo dhowrta dastuurta federaaliga ah ee dalka.
Waxaa xusid mudan in ku dhawaad 17 sano damiirlaawayaal isku magaabay qab qablayaal dagaal eey ku qasbeen umada somaliyeed gaar ahaan bulshada ku dhaqan bartaha iyo koonfurta somaliya in ey u noolaadan sida dugaagii xeerkooduna noqday xeerka dugaaga(law of the jungle) taas oo macnaheedu yahay in ninba ninkuu ka xoog badan yahay cuno!.
Hadaba si looga hortago neecawda dowladnimo oo ey shacabka soomaliyeed aad iyo aad ugu baahnaayeen ayaa waxaa isla markiiba isku habar wacday dhamaan wixii Qarandiid ahaa oo aan rabin dowlad aan u xalaaleyheyn Guryihii iyo beerihii eey umada somaliyeed ka dhaceen!.
Qarandiidkii waxey ku dhawaaqeen wax eey ugu yeereen maxaakiim islaami ah laakin huwan shaar qabiil iyo nin tooxsi.
Tusaale,diinteena muqadaska ahi waxey na fareysaa in qofna qofka kale ee walaalkii muslimka ah uusan dulmin karin kuna xadgudbi karin sharaftii,dhiigiisa iyo hantidiisa. laakinse,shiikh yusuf siyad indhacade oo ka mid ahaa hogaamiyo kooxeedyadii umada somaliyeed halaaga u horseeday kana soo jeeda gobolada dhexe ee somaliya isla markaana aan degaan ahaan waxba ku laheen gobolka banadir iyo shabeelada hoose ayaa waxaa loo ogolaaday inuu xoog ku sii heysto gobolka shabeelada hoose maadaama uu yahay mujaahid tolka ah???
Sidoo kale airporkii iyo dekedii banadir ayaa waxaa gacanta loo galiyay ganacsato ka soo wada jeeda gobolada dhexe ayadoo dadkii degaanka u dhashay eey joogaan!
Hadaba aanu isweydiinee aaway cadaaladii iyo sinaantii?? Jawaabtu aqristayaasha ayaan u dhaafay.
Hadaba dugsigaas ayaa waxaa ka soo galinjabiyay dhalinyaro isu magacaawday ALSHABAAB oo aqoon diimeed iyo mid aduun toona aan laheen isla markaana ku kaca waxyaabo ka baxsan bini aadanimada sida dhabar goynta waxgaradka somaliyeed sida generaalada,dhaqaartiirka iyo engineerada.
Ururkaan waxey xiriir toos ah la leeyihiin ururo argagaxiso oo caalami ah sida ururka alqaacida,xisbulaahi oo ey ka helaan taageero dhaqaale waxeyna fuliyaan danaha osama bin laden uu ka leeyahay geeska africa oo ah in cadaawada la dhex abuuro walaalaha afrikaan ka ah ee ku nool gobolka.
Waxeey dadka maangaabka ahi ku beerlaxaawsadaan in ey u dagaalamayaan in shareecada islaamka dalka lagu xukumo balse waxa xaqiiqo ah in umada somaliyeed 100% muslim tahay diintane aanay seef ku soo gaarin isla markaana eey u baahan yihiin dowlad u adeegta danahooda.
Waxaase xusid mudan in dowlada mareykan (US DEPARTMENT OF STATE),dowlada norway(NORWEGIAN POLICE SECURITY SERVICE) iyo dowlada sweden (SWEDISH SECURITY SERVICE) dhamaantood eey u aqoonsanyihiin ururka alshabaab inuu yahay urur argagaxiso isla markaana meel alle meeshii lagu sheego lagu dagaalamo!
Waxba yuusan hadalku ila durkine, alshabaab wax xal ah oo ey umada somaliyeey u hayaan majiro marka la reebo dagaal daba dheeraada oo umada somaliyeey gaar ahaan reer mogadishu lagu cirib tiraayo.
mahadsanidiin _________________________________________________________ |