Dhaq-dhaqaaqa
Somaaliyeed
Nabadda,Midnimadda iyo
Cadaaladda waxeey halkan
ku Cambaareeynaayaan
Xaaladda
Fool xumadeeda leh,gef
Qaran iyo ayaan darada
weyn oo eey
ku Dabaal degaayaan
Caasimadii Qarankeena
Muqdisho,kuwa
Cadoowga ah,Gumeeysiga
duulimaadka cad ku saa
qaaday kuna
Heeysta Dalkeena
Hooyo-Wayaanaha Tigreega
Ciidankiisa.
Dhaqa-dhaqaaqa
Somaliyeed wuxuu u
cadeeynaayaa Ummada
Somaaliyeed Xalaasha
ah,Wadaniyiin
damiirka,Dareenka Nool
leh iyo Inta Qiiradda
Wadaniyadeed ku harsan
tahay in arrintu
tahay ku digasho iyo
jees-jeesiyada
Muwaadinka Somaaliyeed
oo Maalin walba la
xasuuqaayo,Haweenka la
fara-xumeeynaayo
iyo boobka burburinta
Hantida Dadweynaha,Guul sheegasho
iyo
Xaalad farxadeeda oo
Gumeeysiga Foosha xun
iyo Raxanta ku
hoos nool
heeryadooda(Dowlad ku
sheega beenta ah).
Dhaq-dhaqaaqu
halkan uga
Gudbinaayaa Ummadda
Somaaliyeed Fiiriin
Wadaniyadeed ku
Saleeysan Diidmadda
Gumeeysigga iyo
heeryadiisa,Difaacidda
Dalkeena
Hooyo,Karaamadeena
Ummadeed,Xurmada
Diinteena
iyo Jiritaanka
Somaliyeedba,waxaanu ku
boorineeynaa Xaq eey
u leeyihiin hanashada
Dowlad Cadaalad iyo
sinaan leh xor ah
oo Madax banaanideeda
leh,Hogaan Daacad ah u
taagan fulinta
Rabitaanka
Ummadiisa,kana madax
banaan qorshaha
Shisheeye
iyo Dhaqanka gacan ku
dhiigle-nimadda,Difaacida
Dalkeena waa
Waajib Diineed,Qarameed
iyo Akhlaadeed oo saaran
Muwaadin
Walba,Welee Wayaanoow
kuma ledaan Dalka
Somaliya-Walee.
Dhaq-dhaqaaqa
Somaaliyeed wuxuu halkan
Risaalad cad ugu
Soo gudbinaayaa Hogaanka
Dalka Itoobiya iyo
Rajiimka Dalkiisa
Khaayimay in eey ka
waantoobaan Xasuuqa
Ummada,Ciidanka
Wayaanuhuna sida ugu
dhakhsaha badan Dalkeena
uga baxaan,
Beesha Caalamkuna
Masuuliyadooda
akhlaaqeed gartaan,xilka
Somaaliya ka saarana
Gutaan,laguna dadaalo
abuurida hanaan
Cadaaladeed(Maxkamadda
Dembiilayaasha
Somaaliyeed)la soo
Saaro dhammaan Gacan ku
dhiiglayaasha,Qabqablayaasha
iyo
kuwa Gacmahooda Dhiiga
Shacabka ku qubanaayaan.
Dhaq-dhaqaaqa
Somaaliyeed wuxuu
yirri:-Maya Gumeeysi
Maya
Maya Xasuuqidda Ummadda
Somaaliyeed Maya, Maya
Rajiimka
Gumeeysiga u adeega
Maya,Maya Qabsashada
Dalkeena Hooyo
Maya,Maya Heeryada
Gumeeysiga Maya,Maya
Hogaan Gacan ku
Dhiiglaha Maya,Maya
Raiisal Wasaare ku
Sheega been ah Maya.
Maya Baarlamaanka
Fadhiid ah Maya,Maya
Fara gelin Shisheeye
Maya,Walee Maya,Maya iyo
Maya(Somaaliya Somaali
baa leh).
-Qorr-Xassan C/Laahi
Sh(Xassan Carab)-
-Afhayeenka
Dhaq-dhaqaaqa
Somaaliyeed
Nabadda,Midnimadda Iyo
Cadaaladda-
-England-UK-24/11/2007-