Amaan Iyo Bogaadiin Jaaliyadda Wadaniyiinta Somaaliyeed.

By:

               Qorre-Xassan C/Laahi Sheekh(Xassan Carab)
                        Huddersfield-England-17/04/2007
Ra'yi
 April  17/ 2007
           
Dhaq-dhaqaaqa Somaaliyeed Nabada,Midnimada iyo Cadaaladda waxeey halkan
Amaan,bogaadiin iyo dhiiri gelinba uga soo jeedinaayaan Jaaliyadda Somaaliyeed ee
ku dhaqan Dalalka-Canadda,Mareeykan,England,Sweden,Denmarka,Norway,Hollands
Swiss iyo Austaralia oo muujiyeey sida eey uga xun yihiin Duulimaadka qaawan,dhibka,
Tacadiyada Xad dhaafka,Xasuuqyadda,Bara-kicinta iyo Argagax gelinta lagu hayo ama
loo geeysanaayo Dadka Somaaliyeed eeyna Wadaan Ciidanka Gumeeysiga Itoobiya iyo
Kuwa Dowladda Federaalka ahba.
 
 
        Dhaq-dhaqaaqa Somaaliyeed waxeey si toos ah u taageersan yihiin, lana duuban
Yihiin Talaabooyinka Wadaniyada ku saleeysan,Banaan baxyada baaxadda leh oo eey
Sameeyeeyn, welina Wadaan qeybo ka mid Jaaliyadaha Dalalkaas ku dhaqan oo ah
kuwa leh Damiirka iyo Dareenka Somaaliyeed oo nool iyo Qiirada Wadaniyeedba.lehna
Sifooyinka Wanaagsan ee Muwaadin-nimada iyo Dal Jceylka.
 
 
         Dhaq-dhaqaaqa Somaaliyeed waxeey ku boorinaayaan Jaaliyadda Somaaliyeed
ee qurba jooga ah in eey Gartaan isla markaana gutaan Masuuliyada Diineed,Qarameed
iyo Akhlaaqeed oo ka Saaran Dalkooda hooyo iyo Dadkoodaba, Aduunkana u miijiyaan
Sida eey uga Xun yihiin Fara gelinta iyo Qabsashada Gumeeysiga Itoobiyaanka xiligan
ku heeysto Aqlabiyadda Dalkeena Qaaliga ah,Ciideena Daahirka ah,Sidoo kale Waxanu
ugu baaqeeynaaya Jaaliyadda in eey Taakuleeyaan,u gargaaraan, Caawimona u fidiyan
Walaalahooda Tabaaleeysan laga soo bara kiciyeey Guryahoodii,Hadana ku sugan ama
ku Dhibaataaysan Duurka,Dhirta Heestiisa iyo Bonaanada Cidladda ah,Daryeelka Deg-
dega ah u baahan,Gaar ahaan-Daawooyinka,Raahiinka,Biyaha iyo Bustayaasha, iyadoo
hada la galay Xiligii Roobka (Raxmadda Gu'gga), sida la wada ogyahay Baahidda ugu
Weyni waxeey ka jirtaa Degaamada ku xeeran Caasimadda Muqdisho-Sida-Lafoolle,
Afgooye, Marka Cadeey, Jowhar iyo Muqdisho Gudaheedaba.
 
 
 
-Xassan C/Laahi Sh(xassan Carab)-
-Afhayeenka Guud-
-Dhaq-dhaqaaqa Somaaliyeed Nabada,Midnimada
Iyo Cadaaladda.
-England-UK- 16/04/2007-
-sharifhassan50@yahoo.com-

Tafatiraha wararka caalamka iyo  soomaliya Calayaale Media Center calayaal@yahoo.de kalasoo xiriir

Webmaster@calayaale.com