Fariin Ku socoto Guud ahaan, inta weli uu
damiirkooda nool yahay.
Marka hore mahad idilkeed waxaa iska leh Allaah,
naxariis iyo nabadgelyana Rasuulkeenii Muxammed ahaa
ayeeey korkiisa ahaatay. Kadibna akhristayaasha
sharafta lahow iga gudooma salaanta Islaamka (A.C.W.B).
Dhibaatooyinka iyo masiibooyinka Soomaaliya ku
habsaday waxa ay dad baddani ka muujiyaan inay ugu
wacan yihiin arimo baddan iyagoo aalaaba fikradaha
ku kala duwan. Laakiin sida ay dad baddan oo wax ka
qora Arimaha Soomaaliya, oo weliba aan oran karo waa
kuwooda ugu rug caddaasan markey noqoto qoraalada
Soomaaliya, ayaa waxey isugu soo urriyeen
dhibaatooyinka Soomaaliya inay asal u yihiin afarta
caddow ee kala ah { Qabiil, Qaad, Qori, iyo
weliba qaqable dagaal }. Haddaba qoraalkeyga
maanta waxaan diirada ku saarayaa bal marka hore
inaan mid mid uga hadlo afartan qodob, kadibna aan
wax iska weydiino bal sidi leysaga qaban lahaa.
Bal marka hore aynu isla eegno Qabiil iyo
sidii uu Soomaali meel uga soo haray. Soomaaliyeey
qabiil sida uu Rasuulkeenii Muxammed noogu sheegay
axaadiista mar uu la hadlayey saxaabadda waxaa uu
sheegay in qabiilku uu yahay wax uraya ee ay isaga
tagaan. Sidoo kale waxa uu noo sheegay qabiilku inuu
yahay sida basasha oo kale, oo ah lakabyo kala sar
sareeya, oo markii lakab la qaadaba lakab kale loo
tagayo, oo ayan dhammaaneyn. Annagu Soomaali
haddeynu nahay kolkii ay bilowdeen dagaaladi sokeeye
waxaa markii ugu horeysaysay ba leysu dagaalay caam
ahaan, kadiba waxaa leysugu soo noqday reer reer,
kadib jufo jufo illaa salkii la soo taabtay.
Soomaaliyeey bal ila eega ma jiraan maanta reer
Soomaaliyeed aan iyaga dhexdooda isu heysan qabiil
qabiil iyo laf laf. Qabiilku waxa hadaf ah ama
aydiyoolajiyo ah uu ku dhisan yahay ma jirto, kaliya
waa wax ku dhisan xasad, xin, xaqiraad iyo weliba
see reer hebel ay wax u qabsan karaan.
Qaadka
oo ah maandooriye ka mid ah maandooriyayaasha
kuwooda ugu qatarsan, sida ay caddeeyeen quburo ku
xeel dheer sayniska oo arintaas baaritaan dheer ku
sameeyay. Qaadku dalkeena waxa uu ku hayaa
dhibaatooyin aan lasoo koobi karin, haddii ay noqota
xag dhaqaale, caafimaad, qoys iyo weliba sharafti
iyo karaamada uu ka qaaday bulshada soomaaliyeed.
Qoys kastoo soomaaliyeed oo duma waxa asal u ah
Qaadka. Dhaqaalihii Soomaali ay laheyd waxa uu
gacanta u galaa waddamada deriska, kuwaasoo aan si
xad laheyn ugu soo daabulaya Soomaaliya diyaarado
fara baddan oo keena qaadka. Caafimaad ahaan waxaad
meel walboo aad tagto ku arkeysaa dhalinyaro yar yar
oo aan weli gaariin Soddonkii oo iyagoo waalan ama
isla hadlaya dariiqyada waaweyn ee magaalooyinka
dhex socda, laguna leeyahay waxaa sidaa u galay waa
qaadka. Waxa aan aad iyo aad uga naxay warbixin ay
soo diyaarisay haweeney u shaqeysa hay’adda
caafimaadka Ingiriiska (NHS) oo ku sheegtay
in dad u baddan dhalinyaro Soomaali ah ay ka buuxaan
isbirtaalada dhimirka ee Ingiriiska, kuwaasoo ay u
ugu wacan tahay qaadka iyo qayilaada dhafarka.
Habeen iyo maalin qoysaska waxa ay ka calaacalyaan
waa dhibaatooyinka qaadka, iyadoo aad maql;eyso
odeygi reerka lama araga 2 ama saddex todobaad amaba
kasii baddan, oo goobihii qaadka ayuu seexdaa. Lama
soo koobi karo sida uu waqtiga uga dilay bulshada
soomaaliyeed. Soomaali wixii ay sharaf iyo karaamo
iska laheed waxa meel uga dhacay Qaadka. Haddii aan
is iraahdo ka hadal dhibatooyinka qaadka runti maaha
arin lagu soo koobi karo hal qormo kaliya, ee waa
arin u baahan in maalmo baddan lagaliyo.
Qabqable Dagaal
ama dagaal ooge, oo aynu oran karno waa nimanka
iyagu asalka u ah burburkii ka dhacay Soomaaliya,
iyagoo ummadda ugu beerlaxawsada reer hebel ayaanu
idinka difaaceynaa. Nimankaas oo aanan u aabo
yeeleyn qaran, shacab, qowmiyad iyo weliba dhul
soomaaliyeed, ayaa mar walba waxey wax walba ka
hormariyaan danta iyaga ay leeyihiin. Nasiib darada
jirta ayaa waxey tahay iyagoo dadka qaarkood ay ku
oranayaan, waan ogahay inuu qabqable dagaalka
reerkayaga uu qaldan yahay, laakiin ha iska noolado
oo reer hebel ayuu naga hor jooga. Soomaaliyeey aynu
dib isu eegno, oo dhexdeena aynu xisaabtanno, ma
isku diidanahay in reer walba ninka hor boodayaa uu
yahay kii reerka ugu shar badnaa, ugu mujrimsanaa,
ugu dhiigyo cab badnaa. Miyuusan aheyn kii reerka
kala reebay. Waxa wax lala yaabo ah in reer walba ay
arkaan boogaha reerka kale ee ayan iyagu hoos isu
eegin. Arinta ugu naxdinta badneyd waxa ay aheyd,
dunidoo idil marka la arakay qaabka ay Soomaalidu u
fekereyso ayaa waxaa la yiri bal halasoo dhiso
dowlada ka kooban qabqablayashi dagaal, oo iyagu
ayeey talada ka go’daaye. Arintaas oo ayan jirin cid
ka dhiidhisay oo ka hadashay, leysma weydiin maxaa
ka dhalan doona Mustaqbalka, oo waalasoo wada
dhaweeyay iyadoo reer weliba ay ku xisaabtamayeen
inuu qabqablahooda dagaal bal fursad halkaa ka helo.
Maanta ayaa la hayaa marka wixii ay kheyr iyo shar
ba laheyd.
Qoriga,
oo aan runti kusoo hal qabsanay ulana jeedno hubka
Soomaaliya kusoo qulqulaya ayaa iyadana ah
caqabadaha ugu waaweyn ee Soomaali hortaagan, kaasoo
uu gacantii u galay waxmagarato aan u naxeyn
shacabkii. Waxaad arkeysaa wiil dhalinyaro ah oo
aaminsan inaanay nolol jiri karin haddan qori la
heysan. Immisaa Soomaali ay gilaafatay xabado
leyska ridayo, immisay qaxooti ka dhigtay, immisay
sababteed darteed xabsiyo dunida ah u gelisay, immisay
la kacday Madfac aan loo meel dayin, immisay indhaha
tirtay, immisa ku curyaamay, immisay gablan ka
dhigtay, maxey hanti burburisay, aaway kaabiyadihii
qaranka, aaway hantidii guud ee ummadda. Xayawaanka
Raha ayaa laga sheegay inuu yiri { haddii ay biyo
faa’iido leeyihiin, bal halaga eego dabadeyda},
haddaba Soomaliyeey haddii uu hub faa’iido leeyahay
bal siduu Soomaali u galay hala arko. Dagaal wiil
baa ku dhinta, ee wiil kuma dhasho, waa xigmad hore
ay Soomaali horey u tiri.
Qormadeydan intaas ayaan kusoo afjarayaa maanta ee
la soco qeybta labaad iyo sida arimahan wax looga
qaban karo.
Wabilaahi toofiiq
Qalinkii:- Cabdixakiim Jaamac Jooje