WAA MAXAY HADAFKA DHABTA AH EE ALSHABAAB?
 
By:cabdiqaadir saleymaan [mailto:saleymaan4@hotmail.com]
Ra'yi
03Jun 2008

Wadanka Soomaaliya oo ah wadan 20 sanno ku dhowaad aan lugu arag Dowlad si hufan u shaqaysa ayaa waayahaan dambe waxaa ku soo biiray koox ku cusub is jiidjiidka siyaasadda Soomaliya. Kooxdaan oo ah kooxda loo yaqan Alshabaab waa kuwo inta badan sheegata in ay u dagaalmayaan Diinta oo da’ahaan jira 2 sanno iyo bar.

Alshabab (kalmadda micno ahaan waa dhalin yaro), Balse hadda micnaha ay xambaarsantahay waa urur siyaasadeed oo sheegta in uu u dagaalma in Wadanka lagu maamulo  Dastuur ku salaysan diinta islaamka.

Kooxdan dhismo ahaan waxaa la moodaa in ay ka duwan yihiin kooxihii hore u soo maray Siyaasada Soomaaliya balse marka aad u fiirsato farqi wayn u ma dhexeeyo waana dhinac qabiilka.

Inta badan Dhalin yarta u dagaalanta waa bilaa qabiil balse Hogaamiyaasha waa kuwo qabiil ahaan u dhisan.

Tusaale ahaan kooxdaan marka ay rabaan in ay  qof qaarijiyaan waxay u diraan nin ka mid ah iyaga oo la qabiil ah ninka la qaarijinayo, waayo hadaan sidaa la samayn sii socon maayeen . arintaan waxay ka dhacday meel u dhow Magaalada Waajid xili ay dileen nin aysan iyaga hubin kadibna waxay dhelisay buuq taas oo keentay in ninki loo qisaaso qoladii kale oo isaga laftirkii Alshabaab ahaa.

Alshabaab waxaa lugu yaqiin in Xawda ka jeraan nin walba ay qabtaan oo ka mid ah dowladda uu hogoomiyo CBDULAHI YUSUF.

May 30, sacaduna ay ahayd 17:00 kii galbanimo waqtiaga Soomaliya ayaa koxdaan Alshabaab waxay gacanta ku dhigeen nin caan ah oo ka mid ah waliba kooxda u diiday shabacka Soomaaliyeed in salka dhulka dhigaan.

Ninkaan oo ah Cisman Xasan Cali Caato waa nin ay ku tilmaamaan dadka qaar in uu xasuuq u gaystay shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan reer Mogadisho

Sacadu ka dib ayay sii dayeen kooxdii qabatay Caato taasoo aan lugu baran kooxdaan sii daynta  nocaan oo kale ah, waxayna keentay in Su’aalo la iska waydiyo Hadafka loo aasaasay Alshabaab.

Kooxdaan oo surka ka jeri jiray xitaa ninkii wax ka iibiya ciidanka u shaqeeya Dowladda iska daayee nin xildhibaan ah oo waliba arimo lagu xidhiidhiyo.

Isla maalintaas habeenkeedii ayaa waxaa la  weeraray Guri uu xildhibaan leeyahay oo ku yaala xaruunta Dowladda ee Baydhabo. Xildhibaankaa wax kale looma weerarin aan ka ahayn xildhibaanimadiisa taas oo ay iskula jiraan Xildhibaan ka kale ee la sii daayay. Kala xulashada shaqsiyaadkan oo kale waxay u keenaysaa kooxdaan caawiqb xumo soo wajahada hadafka loo aasaasay.

Afhayeen u hadlay kooxdaan ka dib markii ay sii daayeen caato waa Macalin Adan (Abu qayd)  ayaa wuxuu ku tilmaamay caato nin qutul yoon raadsanaya oo waliba ku sii daray in ay sii dhoweeyeen oo meelaha qatarta ah sii dhaafiyeen.

 Hadaba caato waa qutul yoon doon kuwa kale guryaha lugu weeraro wa Bambo sugayaal sida afhayeenku u dhigay warka.

Gebogebadii Alshabaab waxa u bariyay waa cusub, Siyaasad cusub iyo tuhun cusub oo ku salaysan dhaqanka ay muujiyeen.

  Dadka qar waxaa ay leeyihiin nin dambe Alshabaab qabto oo la dilo waa u dhamaatay  waayo waxay bilaabeen siyaasad cusub oo ku salaysan qabiil.

Dhacdadaan waxay meesha ka saraysaa shakigii markii horeba laga qabay oo ahaa in aysan diin u dagaalamayn oo ay u janjeeraan dhanka qabyaaladda.

 Balse waxaan leeyahay aan ka warsugno wax ka soo bixi doona maalmaha soo socda arrimahan oo kale iyo jaawbaha laga bixin doono.

 

W/Q: CABDUQAADIR SULEYMAAN MAXAMED

 DEPARTMENT OF INTERNATIONAL RELATIONS

 UNIVERSITY OF KARACHI-PAKISTAN

 
 

_________________________________________________________